WAJAALE NEWS

Police Ka dalka Faransiiska ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen weeraro isxig-xiga oo ka dhacay caasimada Paris.

Police Ka dalka Faransiiska ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen weeraro isxig-xiga oo ka dhacay caasimada Paris. halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay.

03.14 SGA: TV laga leehay Faransiiska BFM TV ayaa ku waramay in baliiska howlgalada gaarka ah ay dileen 2 kamid ah dablaydii dadka afduubka ugu haystay goobta cawayska ee Bataclan. Faahfaahin intaa dheer lama sheegin.

03:10 SGA: Masuuliyiinta Maraykanka waxa ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in weerada Paris ay yihiin kuwa la soo agaasimay

03:05 SGA: Baliisku waxa uu sheegay in uu soo idlaaday howlgal ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan dadkii lagu haystay Bataclan-Reuters
Baliis dheeraad ah ayaa gaaray Bataclan
02: 55 SGA: Baliis dheeraad ah ayaa gaaray Bataclan oo illaa 100 afduub
loogu haysto
02:50 SGA: Weerarka ugu wayn waxa uu ka dhacay xarunta Bataclan oo markaasi lagu daawanayay riwaayad.

02:44 SGA : Obama waxa uu sheegay in weeraradaasi looga gol leehay in lagu argagixiyo dadka rayidka ah.

02:41 SGA: Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta lagu caweeya ee Bataclan ayaa BBC-da u sheegay in rag hubaysan oo ku qaylinaya ”Allaahu Akbar” ay soo galeen dhismaha. wuxuu sheegay in uu arkay maydadka 15 qof.

mid kamid ah weerarada Paris waxa uu ka dhacay garoonkan oo cayaar saaxiibtinimo ay ku daxmaraysay France iyo Germany.

02:40 GSA: Dadweeynaha Paris waxaa loogu baaqay in ay guryahooda ka soo bixin.

02:37GSA: Baliiska ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay isqarxisay. Waxaana bambaano lagu tuuray garoonka cayaaraha Paris oo ay markaasi ka socotay cayaar saaxiibtinomo oo dhaxmaraysay kooxaha qaranka Farnsiiska iyo Jarmalka.

02:33 SGA: Qaraxyo dheeraad ah ayaa laga maqlayaa mid kamdi ah goobaha la weeraray Bataclan oo illaa 100 qof ala aaminsanyahay in afduub loogu haysto.

02:30 SGA: Madaxweynaha dalka Faransiiska Hollande ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana la xiray xaduudaha dalka Faransiiska.

02:20 SGA: rasaas iyo qarxyo ayaa ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Paris.

Source BBC

Exit mobile version