WAJAALE NEWS

Madaxdhaqameedka Gobolada Hargaysa Iyo Gabiley Oo Tacsi Udiray Qoyskii iyo Qaraabadii Uu ka Baxay Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) Oo ku Geeriyooday Jabuuti.

Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxdhaqameedka gobolalada Hargaysa iyo gabiley ayaa  waxaa ay  tacsi u dirayaan   qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka somaliland geerida ku timid Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahim (IbraahimDheere).

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

MADAXDHAQAMEEDKAN OO UU HORMUUDKA YAHAY SULDAANKA GUUD EE GOBOLADA HARGAYSA IYO GABILEY SULDAAN ISMAACIIL SULDAAN CABDIRAMAAN.

CHIEF CAAQIL DAYIB CABDI CIIDLE

CAAQIL CABDI CUMAR

CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN

CAAQIL CABDILAAHI QALINLE FARIID

CAAQIL MAXAMED CABDILAAHI XAREED

 

 

Waxa ay   tacsi u dirayaan guud ahaan Ganacsatada Dalka, Qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay ,wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, , iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland, iyagoo ka tacsiyadeeyay  geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maalqabeen Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa tijaarta waa weyn ee laga yaqaano guud ahaan Geeska Afrikaba kuna geeriyooday Dalka Jamhuuriyada Jabuuti maanta 12.11.2015.

sidoo kale  waxay Tacsi taa la mida u dirayaa Xukuumada iyo Shacbiga reer Jabuuti isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida marxuumka.

Ganacsade  marxuumka IBRAAHIM DHEERE ayaa ahaa ruug cadaa ku xeel dheeraa arrimaha ganacsiga. Sidoo kalena dedaal dheeraada ka geystay Horumarinta Qaranka Somaliland gaar ahaan xaga Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha.

waxa aanu  Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka,  Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Exit mobile version