HARGAYSA(Wajaalenews) Garabka isbahaysiga Murashixinta Dimuquraadiga Ee xisbiga kulmiye oo Manta Magagaalada Hargaysa ku yeeshay kulan albaabadu u xidhan yihiin oo Ahaa kulan Qado ah loona ogalayn saxaafada, balse shabakada wajaale news ayey u suurta gashay in ay sawiro ka qaado hoolka Green plaza oo ku yaal Magaalada Hargaysa Ee shirkan Albaabadu U Xidhnaa ka qabsoomay.
Majirto warar Rasmiya oo laga soo saaray kulanka Albaabadu u xidhnayeen ee ay yeesheen musharaxiinta isbahaysiga kulmiye, warar xogogaala oo wajaale news ka helay kulankasi ayaa tibaaxay in garabka isbahaysiga dimuquradiga Xisbiga kulmiye shirka kaga arin sanayeen xaalada siyaasadeed ee dalka iyadoo maalmihii u danbeeyeyna ay dhaliilo culus warbaahinta u mariyeen madaxwayne siilanyo iyo Garabkii kale ee Hotel mansoor ku qabsaday shirwaynaha.
Garabka isbahaytay ayaa ku eedeyeen Gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo Madaxwayne siilaanyo in ay ku tunteen Dimuquraadiyadii somaliland iyo sharciga u yaalay xisbiga kulmiye, waxanay ku kaceen Awood maroorsi iyo sharci jabin.
si kastaba ha ahaatee Garabka isbahaysiga ayaa leh saamayn baladhan oo siyaasadeed,iyagoo ahaa aasasayaashii xisbiga kulmiye islamar kana ahaa Wasiiradii ugu miisaanka cuslaa ee iska casilay xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo xubnihii shirgudoonka Golaha wakiilada iyo sidoo kale hogaankii xisbiga kulmiye. Ayaan la saadaalin karin talaabooyinka ay qaadidoonaan.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM