Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso.
kulankan uu madaxwayne Siilaanyo la yeeshay ergayga midowga Yurub u qaabilsan arimaha somaliya Iyo Somaliland waxaa ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr).
Markii uu dhamaaday kulankani waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo Ergeyga Qaramada Midawga Yurub, iyagoo ka warbixiyey ujeedada kulanka.