BURCO(Wajaalenews) Siyaasiyiinta Is-bahaysiga KULMIYE ee ku sugan Magaalada Burco ayaa xalay kulan ballaadhan la qaatay Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Cuqaasha Gobolka Togdheer oo isu dhan.
Kulankan oo ka qabsoomay Huteelka City Plaza, waxaa ka muuqatay midnimo dhammaan Rer Togdheer iyo Burco ay markii kobaad sidaas u muujiyaan, iyagoo shirarki ka horeeyay midkan ay dhici jirtay in qaybo kamid ah dadka dega Gobolka Togdheer ka maqnaan jireen.