WAJAALE NEWS

Xeeladaha ku Lamaan Murashaxnimada Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Iyo Kaalinta Wasiir Xirsi Ku Leeyahay Hankiisa Siyaasadeed.

Waa xulasho iyo xog uririn ka turjumaysa xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay Xisbiga Kulmiye oo loolankiisu yahay ka ugu hadal haynta badan Saaxada Siyaasada.Waa qalin aan xakamaha goosan oo aan xalaalaysan xajiimaynta iyo xaqiraada mid ka mida ama guud ahaan Murashaxiinta ku loolamaysa Gudaha Xisbiga Kulmiye .Waa xarfo Bulsho waynta S/LAND ugu Iftiiminayo xaalada dhabta ah iyo xeeladaha ku lamaan loolanka marba marka ka sii danbaysa si xawli ah kor ugu sii kacaya.Waa qormo farta ku fiiqi doonta cida Xudunta u ah Loolanka siyaasadeed  ee xaabada ku sii shidaysa si xaraarada loolanku Cirka isku sii shareerto.Waa qormo xambaarsan xogo qarsoon iyo xeeladaha Xiqdiga iyo Xasadku ka muuqdo ee Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan ku Wiiqayo Hanka MUJ Muuse Biixi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Hadii aan u soo noqdo dulucda maqaalkayga waxaa xaqiiqo ah in Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada S/LAND Maxamad Biixi Yoonis  seeska u soo dhigin Damac iyoHan Madxwayne una soo dhabardaygin Rafaad KHarash iyo Hawlo badan oo ka soo horeeya Hankiisa Siyaasadeed. Maxamad Biixi Yoonis waa Aqoonyahan Diblamaasi Sare ah oo Darajooyinka ugu sareeya ka gaadhay Hayada Qarmada Midoobay waxaanu Safka hore kaga jiraa  Siyaasiyiinta Qurba jooga ah ee Saaxada Siyaasada ka muuqan waqtiyadii Qaranka S/land la yaglaalayay  waxaanu Saaxada Siyaasada ku soo biiray  badhtamihii Sanadkii 2013 iyadoo Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay Wasiirka Arimaha Dibada S/LAND

Balse nasiibku muu saacidin Guulo  la taaban karana kamuu soo hoyn Siyaasadii Arimaha Dibada ee Madaxwayne Siiraanyo u igmaday Waxaana hubaala in aanu  MR Maxamad Biixi Yoonis  ku guulaysan  in uu Dalka S/land Aqoonsi ka helo Beesha Caalamka ama uu la yimaado Siyaasad furfuran oo Dunida u soo jeedisa S/land Naruuro Aqoonsi keenta ama Xidhiidh Caalami ah oo ay Dunida kula macaamisho S/land keenta   isku soo wada duuboo may dhicin arimahaa aan kor ku soo xusay.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada S/LAND Maxamad Biixi maaha Kaadir Xisbiyahana oo kasban kara Xubnaha Golaha dhexe oo laga fili karo Kaanbaynkiisu in uu rumayn karo Hankiisa Madaxwaynaha ah   Waxaase iswaydiin mudan Xidhiidh intee leegbuu la leeyahay Xubnaha Golaha dhexe ee Xixbiga Kulmiye Ma yaqaanaa Magacyada Labaatan Xubnood oo Golaha dhexe ka tirsan ? Bil Gudaheedse intuu ku baran karaa Codeeyayaasha Golaha dhexe Madasha  iman doona ?.  hadii Arintu sidaa u egtahay waxaa iswaydiin mudan Waa maxay Xeeladaha ku lamaan Murashaxnimada Maxamad Biixi Yoonis ? Yaase dabada ka riixaya ? Goorma ayayse ku dhalatay Maxamad Biixi Yoonis Hanka Madaxwayne ?

Jawaabtu waxay tahay waxay ku dhalatay dabayaaqadii Sanadkii 2014 oo Garab u noqday Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada C/Casiis Samaale oo waqtigaa dib u soo  laba kacleeyay  loolankii Siyaasadeed  ee uu kula jiray Muuse Biixi waxaana dabada ka riixayay  oo Xaabada kusii shidayay si ay xaraarada iyo loolanku Cirka isku shareerto waa Wasiir Xirsi oo ah Shaqsi ku raaxaysta  kala qaybsanaanta kooxaysiga iyo kala kaxaynta Xisbiga Kulmiye ama in uu loolan la galo Gudoomiye Xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi oo isagu laftiisu kamida caqabadaha hortaagan in siyaasada somaliland ka xorowdo qabyaalada.

Waxaan ku xaqiijinayaa arimahaa kor ku soo sheegay Wasiir Xirsi waa Shaqsi Sooyaalkiisa Siyaasdeed ka marag kacayo laguna yaqaano Hirdan iyo iska Caabin Xoog badan oo mararka qaarkoodna uu ku  dhaqaaqo Ficilo Dhaawici kara Qaranimada iyo xasiloonida

S/LAND.

Sidoo kale Wasiir Xirsi waxaa Sooyaalkiisa Siyaasadeed ku xusan mudada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo jirtay in ay Masuuliyiin badan oo Madaxwayne SIIRAANYO xilka ka qaaday ay Godob Siyaasdeed oo ay qarin kari waayeen Warbaahinta u mariyeen Wasiir Xirsi waa Nin qab wayn oo nasiibku ku saaciday in uu helo Fursado Siyaasadeed oo aan Siyaasi kale ka soo marin Saaxada Siyaasada  Afartii Xukuumadood ee Wadanka S/land soo maray

Waxaase xusid mudan mar ay Warbaahinta Madaxa Banaan ee S/land waydiisay in uu Wasiir Xirsi yahay Murashax  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo  hankiisu dhaafsanyahay Xilka Wasiirnimo ee haatan hayo waxuu ku Jawaabay Madaxwaynaha ayaa noo Murashaxa [Hadiise aan Kaanbayn bilaabo Dhulkaa Gariira] Waxanse leeyahay waa Ninka sheego ma dhaafto [ ilayn Nina Afkiisa lagama Xaalsiiyee] Dhul gariir Siyaasadeed uu hore u sameeyay ilayn maanu arage ma Loolankan uu Xisbiga Kulmiye iyo Beesha Gudoomiye Muuse Biixi  ka dhex wado Dhul Gariirku mise Wax ka waynbuu soo wadaa waa Barito iyo Bil danbe ALLE kuwii Gaadha ha inaga yeelo.

 

QALINKII; FARXAAN MAXAMED BARKHAD

GERMANY/ BORN

EMAIL. NURSHE@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version