Agaasimaha waaxda ciyaaraha oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay tartamada kala duwan ee koobabka Ramadaanta ay qabanayaan gudiyo loo xil saaray inay hir geliyaan tartamadaas waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Gobolada Somaliland waxa ka socda tartankii ciyaaraha ramadaanta waxaana marka hore soo abaabula gudiyo qaabilsan inay qabtaan tartamada ramadaanta, waxaanan rajaynaynaa inuu tartankaasi noqdo mid ku dhamaada guul iyo nabad galyo waayo bishu waa bil barakaysan oo cibaado ah, waxaanan rajaynaynaa inaanay iman wax dhibaato ah.
Sidoo kale Agaasime Maxamed Nuux waxa uu sheegay inay qaar ka
mid ah gobolada dalka gaadhsiiyeen qalabka ciyaaraha ee kooxaha ciyaaraha iyo sidoo kale qalab kale oo fududaynaya tartanka iyo waliba koobab waxaanu yidhi “Gobolo ayaanu siinay qalabka ciyaaraha sida shabagyada goolasha, dirayska ciyaartoga iyo kubada, waxaana ka mid ah gobolka Awdal oo aanu gudoonsiinay dirayska labaatan kooxood,bilado, afar kubadood,koobkii iyo shabagii koobka, waxa kale oo gobolka Salal oo la gudoonsiiyey qalabka ciyaaraha eel ix kooxood iyo agabkii kale ee lagu qabanayey tartanka, waxa kale oo aanu taageernay gobolka Daad Madheedh oo aanu siinay qalabka ciyaaraha ee sideed kooxood iyo agabkii kale ee lagu qabanayey, waxa oo aanu qalabka ciyaaraha gudoonsiinay gobolka Sool oo aanu ku wareejinay qalabka ciyaaraha ee sideed kooxood.” Ayuu yidhi agaasimaha wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland oo la hadlay warbaahinta
Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:Habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane