WAJAALE NEWS

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Kana Mida Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye Oo Lafilayo In Uu Dalka kusoo Guryo Noqdo Iyo Soo Dhawayntiisa Laga Dareemayo Caasimada Hargaysa.

Qabanqaabada Soo Dhawaynta Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis Oo  Ka mida Murashixiinta  Xisbiga Kulmiye Oo Si Wayn Looga Dareemayo Caasimada Hargaysa.

HARGAYSA(Wajaalenews)Wasiirka Arimaha dibada somaliland ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Maxamed Biixi Yoonis ayaa la filayaa in uu bari oo axad ah kusoo guryo noqdo Magaalada Hargaysa kadib safar shaqo oo dhawr maalmood qaatay oo uu ugu maqnaa wadano ay kamid yahay wadanka Irland oo uu hor kacayay    waftigii  uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo.

Wasiirka ayaa kamid ahaa xubno wasiiro ah oo kadaba tagay waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland Axmed Max’ed max’ud Silanyo oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa wadanka dibadiisa.

Wasiir Maxamed Biixi ayaa mudadii uu wadanka kamaqnaa kulamo la qaaatay masuuliyiin ka kala socday wadano badan oo ay kamid yihiin Madaxda Sare ee dalka Irland iyo wadano kale oo uu dhamaantoodba kala hadlay xoojinta xidhiidhka somaliland laleedahay caalamka intiisa kale.

Maxamed Biixi Yoonis oo xidhiidh fog laleh wadamada caalamka kana soo shaqeeyay wadamo badan oo kuyaala africa iyo caalamka kalaba ayaa mudadii uu joogay wasaarada arimaha dibada kor u qaaday xoojinta xidhiidhka caalamiga ah ee ay somaliland la leedahay wadamada caalamka.

Maxamed Biixi Yoonis oo kamid ah musharixiinta ugu culculus xisbiga Kulmiye ayaa sida ay warar xogagaala oo ka agdhaw wasiirku u xaqiijiyeen shabakadan wararka ee wajaalenews in wasiirku waftiga madaxweynaha ugasoo noqday arimo shaqo oo la xidhiidha musharaxnimadiisa xisbiga Kulmiye iyada oo loolanka musharixiinta ku laacdamaya musharaxnimada xisbiga Kulmiye cirka iskusii shareerayo.

Wasiirka ayaa la filayaa in ay soo dhawayntiisa ka qaybqaataan galaha Wasiirada Golaha Baarlamaanka, iyo Xubno badan oo kamida golaha dhexe ee xisbiga kulmiye iyo kumanaan kamid ah taageerayaashiisu ay kusoo dhaweeyaan garoonka Egal International Airport iyada oo siwayn looga dareemayo dhaqdhaqaaqyada soo dhawaynta Magaalada Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa taageero Buuxda kule guud ahaan gobolada somaliland iyo beesha caalamkaba.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version