WAJAALE NEWS

Murashixiinta Xisbiga Kulmiye Ee Guulane, Geedi Iyo Gaaxsane Midkay Guushu Raaci Doontaa?FAALO

HARGAYSA(Wajaalenews) Gari Laba Nin kama wada qosliso Tartankuna waa mid u furan Murasixiinta  Xisbiga Kulmiye  waxaana lagu dul Garamayaa oo lagu dul yooyootamaa Madaxwayne Siiraanyo oo Xilkii wali haya Gayiga  S/land   Xukuma Talada Dalkuna Gacantiisa  ku jirto waa yaabka yaabkiiye cidna kama gabato waana lagu dul Gorgortamayaa Qasriga Madaxtooyadana waxaa ku sugan  [Gudbane] oo Gadhwadeenka Aqalka Agoonto  Talo  Oday la Garab joogo   Guulane Geedi iyo Gaaxsane Sadexda  NIN oo haybta Wadaaga  ayaa isku haysta Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye Madaxwaynihii Aasaasay waxuu ka gaabshay in u Garnaqo Guulane Geedi iyo Gaaxsane  Sadex  Sano iyo dheeraadna waxaa socota Taran Riwaayad u eg oo Xisbigii Kulmiyena ka dhigay mid ku Gumoobay  tartan aan dhamaad lahayn   Boqolaal Bulsho Waynta S/land ah ayaana Isha ku haya Siyaasiyiinta u soo ban baxay in ay ku kala Calaf qaadaan Shirka Golaha ee Xisbiga Kulmiye  Gudida Xeerku siiyay in ay ka Arinta ka Garnaqaana  Gado kasta way leeyihiin Dumarkuna Gudida waa ka mid Gando Talo yaqaana iyo Guurti waayo araga ahi  waa ku gabaabsi oo  waa Gole dhexe waa Gacantaa iyo Deeqsinimadaa waxay kuu goyso Gudi qaban qaabo wali lama magacaabin  oo go”aan kamay  Gaadhin goobta shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu qaban doono.

Gogol dhigaa iyo Araartaa halkaa aan idinku dhaafee  waa gorfayntii Qalin Maalka oo Guurti Talo yaqaana u Saartay Dhagaysiga  Garta loo Maaro waayay oo Bulsho Waynta S/land Hadal haynteedu Daashatay    ugu Horaynse Sadex Murashax aan iskiin baro.

Waa kuma Guulane ? Maxaase loogu bixiyay Guulane ?

Guulane; Waa gadac hal adag oo gaf iyo saxba tiisa ku adkaysta Gorfaynta ma yaqaano Guulane waxaana loogu bixiyay waxaa Maskaxdiisa  ka guuxaysa Guul banaanka u taala mana  ogola in lagula tartamo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Waa kuma Geedi ? Maxaase loogu bixiyay Geedi ?

Geedi ; Waa Siyaasi Guurguur badan Waxaana loogu bixiyay Geedi waa Siyaasi Shantii Sano ee u danbeeyay Xilal kala duwan is kaga gudbay sida Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Wasaaradaha Maaliyada Waxbarashada Murashax Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo  Murashax Madaxwayne  Maskaxdiisana waxaa markasta ka guuxaysa in uu Xilka uu hayo mid ka Sareeya uga Dalaco

Waa kuma Gaaxsane ? Maxaase logu bixiyay Gaaxsane?

Gaaxsane ; Waa Siyaasi Gole ka fuula oo Saaxada Siyaasada ku soo biiray Badhtamihii Sanadkii 2013 isla Sanadkaana la Jaanqaaday Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Gaaxsane waxaa loogu bixiyay waxaa ku Gaaxday tacab badan oo S/land loo soo galay hortii waa Siyaasi Qurba Jooga Garan maayo Galgalashada Gaagaabsiga iyo Gurguurashada Kaanbayn loo Guuro iyo Mugdigoo la Gudo midna Garan maayo

Garnaqsigii Guulane Geedi iyo Gaaxsane.    

Dooda Guulane : Kulmiye Madaxwayne Siiraanyo ayaa Aasaasay  midhihii ugu horeeyay ee ka soo go’a waxaa Goostay [Geedi]  waxaanu noqday Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Aniguna kulamaan Tartamin Qof kalena maan Tartansiin Xilkii Maamuusta Distooriga ah lahaana isagaa Geedi is kaga tagay Maanta anoo Gudoomiyaha Kulmiye ah Waa Gaf in uu ila Tartamaa Kaliday uunbaa Murashaxa  [Gaaxsanena] Waa Wasiir Hugun raaca oo ima soo Garab Joogsan karo Halkuu joogay markaan Madaxwayne Siiraanyo Xisbiga Kulmiye la aasaasay ? Maanu Daafuur Joogin maxaa igu soo celiyay ?

Dooda Geedi ; Madaxwaynaha anaa Xisbiga Kulmiye la Aasaasay Tacab badan ayaa iga galay Xisbiguna Marxaladu kala duwana wuu soo maray  Horaan Doorasho u galay waan ku Guulaystay  [Guulane ] iima sheegan karo   Xeerka Xisbiga  waxaa ku qoran Xubin kasta oo Golaha dhexe ahi way ku Tartami kartaa .

Dooda Gaaxsane; Anigu waxaan ahay Sarkaal Sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan Caalamkuna laga yaqaano   Nus Danbeedka Madaxwaynaha ayaa iiga  yeedhay Shaqadaydii Xilka Wasiirnimo ee Wasaarada Arimaha Dibada waan ka Sareeyay waxaanan u imiday in aan Xisbiga Kulmiye Murashax Madaxwayne ka noqdo waxaana igula socda Nus Danbeedka Madaxwaynaha isku Beesha yihiin

Isku soo wada duubuu waxay Bulsho Waynta S/land Isha ku haysaa Sadexda Murashax Guulane Geedi iyo Gaaxsane midka ay Guusho ka raaci doonto .

WARIYE CABDIQAADIR CABDIRAXMAAN

HARGEISA SOMALILAND

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version