WAJAALE NEWS

Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Waxay Bulsho Waynta Reer Gabiley U Horseedeen Dhag Xumo Waana Mid Taariikhdu Xusidoonto.

GABILEY(Wajaalenews) Maaha Markii Koowaad iyo Labaad  ee Bulsho Waynta Gobolka Gabiley ku Abaabuleen Guulwadayn Indho La”aana oo Dhag Xumo ku ah Dhaqanka Bulsho Xor ah oo Dimuquraadi ah Sidoo kale Maaha Markii Sadexaad iyo Afraad ee Bulsho u  Haraadan Horomarinta Adeegyada Danta Guud ee Aasaaska u ah Dal iyo Dad Nabdoon oo Higsanaya in ay la Jaan Qaadaaan Nidaam Dawlad Hoose oo la soo Doortay una Heelan  Maamul Wanaag ay ugu Badalaan Waxqabadkii la Sugayay Dhag Xumooyin iyo Fadeexado Bogaga Taariikhda u Gala .

Hadiise aan Hoos ugu Dhaadhaco Dulucda Qoraalkayga Guulwadaynta lagu Abaabulayo Bulsho waynta Gabiley ayaa ah Cudur la is Qabadsiiyo oo Maamulba Maamulkii ka Horeeyay uu ka Dhaxlo waana Ayaan Daro Wayn oo ku Haysata Bulsho waynta Gobolka Gabiley  Tacab ba’ay Beeroon Maahee Maamulka Gabiley Waxuu Safka Hore kaga Jiraa Golayaasha Deegaanka la soo Doortay ee lagu Khasaaray ee Waligood Dan Guud ku Heshiin Danta Gaara u Heelan Kuna hawlan raaligalinta madaxtooyada kuna bixiyay dhaqaalihii danyarta wax loogu qaban lahaa

 

Waxaana sida Dayaxa Shan iyo Tobnaadka ah u Muuqata in Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley Xildhibaan iyo Fulinba ay Wadaagaan Dhaliilaha Maamul ee ay u Horayso Xilgudasho La’aanta aanay Shirarkii Caadiga ahaa Qabsan Sidoo kale waxaa Hubaala in ay ku Dadayaan Takri Falka  Dakhliga Dawlada Hoose soo gala

 

Isku soo wada Duuboo Bulsho Waynta Gobolka Gabiley waxaa la Gudboon in Maamulka Gabiley la Xisaabtamaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley iyo kula Xisaabtamaya si Waafaqsan Xeerka Golayaasha Deegaanka Dalka ee No; 23 iyagoo Waydiinaya Waxay u Qaban Waayeen  Shirarkii Caadiga ahaa ee Labadii Biloodba in Labaatan Maalmood Shirku Socdo sida Xeerku Dhigayo Goorta ugu Danbaysay Sidoo kale Waxaa iswaydiin  Mudan Xisaab Xidhadii Sanadihii Tagay oo aan la hayn.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE CABDIQAADIR HABANE

 

Exit mobile version