WAJAALE NEWS

Jamaacada Cusub Ee Marodijeh International University Oo Maanta Laga Furey Magaalada Hargeysa Iyo Waxyaabaha Ay Soo Kordhisay.

Hargeysa(Wajaalenews):- Munaasibad balaadhan oo lagu qabtey hotel maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa  lagu shaaciyey  in dalka laga furey  jaamacad cusub oo loogu magac  darey Marodijeh International University  .

Xafladan shaacinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Wasiiro , Xildhibano , Masuulyiinta Xisbiyada Mucaaridka , Qaar Ka Mid Ah Madaxda Jaamacada Dalka Ka Jira , Culmo Aw Diin  Iyo Masuulyiin Kale

Ugu Horeyn waxaa Madasha  Ka Hadley Gudoomiyaha Jamacadaasi Prof. Cabdi Xussen Gaas Waxaana uu sheegay in u jeedka jaamacadan loo sameyey ay tahay sidii  Is bedel loogu sameyn lahaa qaabka waxbarasho ee dalka waxaana uu yidhi .

“Dhamaan marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladan lagu shaacinayo jaamacadan cusub waan u mahad celinayaa runtii jaamacadan  waxaa nagu kaliftey in aan dalka ka furno anaga oo rabna in aanu ka wax ka qabano  baahida waxbarasho ee dalka ka jirta

Xaqiiqdii dalka waxaa ka jira jaamacado faro badan balse waxaa aanu ku da dali doona sidii aanu u buuxin laheyn waxii ka dhiman jaamacadaas dalka hore uga jirey “ ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacada Marodijeh International University  . Prof.Cabdi Xussen Gaas

Sidoo kale waxaa iyaguna dhinacooda ka Hadley masuulyiin kala duwan oo ay ka  mid yahiin  gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani Axmed Muumin Seed , Sheikh Aadan Siiro , Prof.Bulxan  , Cabdikariim  Axmed Mooge, Prof. Xujaale iyo masuulyiin kale waxaana ay dhamaantood ay ku dar daareen maamulka cusub ee jaamacada in ay noqdaan qaar waxtar ku soo  kordhiya qaabka waxbarsho ee dalka sidoo kalana waxaa ay u soo jeediyeen in jamacadan cusbi ay  dalka keento qab  waxbarsho oo  dalka iyo dadkaba anfacaya .

Cabdicasiis maxamed samaale  wasiirkii hore ee wasaarda maaliyada somaliland  oo ka mid ah masuulyiintii madasha ka hadashay ayaa waxaa uu hanbalyeeyey maamulka iyo macalimiinta jaamacadan cusub ee maanta la shaaciyey waxaana uu ku dar daaray in ay ku dadaalan sidii ay u hawl gali  lahayeen in ay soo saaran ardey dalka iyo dadka wax u qabta isla markaana ka dheer qabyaalada waxana u yidhi “ waxaan  leeyahay maamulka jaamacadan cusub marka hore hanbalyo  jaamacaduhu dalka door mihiim ah ayey kaga jiraan waxaana  mihiim ah in aad ku da daashan sidii aad u soo saari laheydeen ardey dalka wax u tarta oo ka dheer qabyaalada   dalkeeni waad ogtihiin oo qabyaalad ayaa ina xushey  ee ka dheerada qabyaalada “ ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasarada maaliyada Somaliland  Cabdicasiis Maxamed Samaale .

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version