WAJAALE NEWS

Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Kaalinta Koowaad Ka Gashey Qiimeynta Degmooyinka Dalka Jsl!

GABILEY(W,N)-Dawlada  Hoose  Ee   Degmada  Gabiley  Ayaa Markii labaad   Kaalinta  Koowaad  Ka  Gashey  Qiimeyntii  Dawladaha Hoose  Ee degmooyinka Dalka ee uu ka socdo mashruuca GPLGga.

Munaasibada lagu shaaciyay qiimaynta degmooyinka dalka ee uu ka socdo mashruuca maamul daadajinta ee GPLG ayaa waxaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin cumar cabdi oo mudadii uu golaha deegaanka degmada gabiley hogaaminayay ku guulaystay in ay dawlada hoose ee gabiley hormuud unoqoto degmooyinka Somaliland .

Maayar  Md. M-aamiin  Cumar  Cabdi  Oo  Madashii  Lagu  lagu shaaciyay sida ay degmooyinka dalka ugu kala horeeyaan maamul daadajinta iyo dabaqida mashruuca GPLG oo ay wasaarada arimaha guduhu qabatay ayaa   Bandhigayey  Ayaa bogaadiyay shaqaalaha dawlada hoose ee gabiley iyo guud ahaan maamulka isagoo sheegay in ay tahay guul usoo hoyatay guud ahaan shacabka gobolka gabiley.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version