WAJAALE NEWS

Jaamacada Gollis University Oo Xidhay Kuliyadii Caafimaadka Ee Magaalada Hargeisa

golisHargeisa(Wajaalenews):- jaamacada golis ayaa  lagu tilmaamaa inay tahay jamacada dalka u wanaagsan sidoo kalena gobolada dalka qaarkood ayay ku leedahayay kuliyadao kala duwan.
jaamacada oo ku hawlanayd mudooyinkii ugu dambeeyay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada waxbarasho iyo waliba tayada aqooneed ay bixiso.
jaamacada golis University oo ay  ka hawlgala macalimiin kala duwan oo ah kuwa aqoon iyo waayo argnimo u leh aqoonta ay bixinayaan sidoo kalena waxaa dheer maclimiin ajaaniba oo ka kala yimid dalalka caalamka.
jaamacada golis ayaa mudooyinkii dambe waxa ay soo saartay goaano ay ku kordhinayso lacagaha semesterka oo ay ardaydu dhibaato wayn kala kulmeen bixinta lacagaha lagu kordhiyay
intaa kadib masuuliydiinta jamacada golis University ayaa amar ku bixiyay inay ka baxayso dhismaha ay ku jirtay oo ay u wareegayso dhismayaal kalen oo ku yaala galbeedka magalada hargeisa iyada oo ay dhismaheedii hore ay ku hadhidoonaan aradayda freshka ah oo kaliyada.
arintaasi ayaa niyada jab ku keentay ardayda wax ka barata jaamacada golis universinty oo aanay awoodi mastaafada loo raray jamacada oo ah mid aad fog sidoo kalena ardayda qarkood ka yimaadan xafadaha kala duwan ee magaalada hargeisa.
hadaba ardayda wax ka barata kuliyada caafimaad ayaaa dhamaantood ka wareegay jamacada golis University iyaga oo ku biiray jamacadaha kala duwan ee dalka
sidoo kale kuliyadan caafimaadka ayaa waxa ay cabashadooda u gudbiyeen maamulka jamacada iyaga oo ka cabanaya lagaha semesterka oo qaali noqday kadib markii dhawr jeer la kordhiy .
halka semesterkii ahaa 350$ dolor ayaa hadana lagu kordhiyay 25$ dolor iyada oo hadana laga dhigay 550$ dolor sida ay sheegay qaar kamida kuliyadaasi oo la hadlayay shabakada wararka ee wajaalenews.net.
Sidoo kalena maamulka jaamacada Gollis University oo anu isku daynay inaanu wax ka waydiino ayaa ay noo suurto galiwayaday

Wariye: Abdiqadir Habane
Hargeisa Office
Wajaalenews.net

Exit mobile version