HARGAYSA(Wajaalenews) Ganacsadaha wayn ee Jaamac oomaar ayaa la filayaa in uu Taageero la Dhaqaale la barbar joogsado xildhibaan Xasan Cawale Caynaan oo hore ugu dhawaaqay in uu Tartami doono Murashaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Kulmiye Maalqabeenka oo hore Taageero Dhaqaale ugu fidiyay Xildhibaan Xasan Cawaale Doorashadii Golaha Wakiilada ee Dalka ka dhacday 29/9/2005
Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii uu xildhibaan Xasan Cawale Caynaan Shir jaraa,id oo uu ku qabtay Magaalada Hargaysa ku shaaciyay in uu taagan yahay Murashax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye
Sida ilo xogogaala ah oo ka agdhaw Ganacsade Jaamac Oomaar u xaqiijiyeen shabakadan wararka ee wajaalenews ayaa la sheegayaa in Ganacsadahani ku farxay Hanka Xil.Xasan Cawale Taageero Dhaqaalena la garab joogsan doono Xildhibaan Xasan.
Ma aha markii u horaysay ee uu taageero Ganacsadahani u fidiyo Xildhibaan Xasan
Si kastaba ha ahaatee Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa la filayaa in uu Guul ka soo hoyn doono Tartanka Shirka Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye ku dhex mari Murashixiinta mar hadii la sheegay in Maalqabeen Jaamac Oomaar in uu Taageeray Murashaxnimada Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan
Dhanka waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Maalqabeenada waawayn ee Beesha Sacad Muuse ay kala Taageersan yihiin Murashaxiinta ku Tartamaya Xisbiga Kulmiye iyadoo Maalqabeenka Maxamad Aw Siciid Geedi hore Taageero Dhaqaale ula garab istaagay Gudoomiye Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Tartanka ayaa a filayaa in uu noqdo mid Adag oo far Guudkood lagu kala badiyo mar hadii Murashaxiinta la soo kala safteen Tujaartii Wadanku.