Marka waxa umada ka dhexeya ama shaqadii xukumadu umada u haysay lagu wareejiyo cid gaara oo dantooda mooyee danta umada eegan waxa dhaca in dan yarta iyo wada jirta meesha ka baxo waxa wax lala yaabo ah mant muwaadinka ku nool wadanka gudihiisa in wajibkiisii fuliyay oo uu cashuurta bixiyo hadana nabada gurigiisa lacag ku bixiyo oo xashiishka lacag ku bixiyo oo laydhka u lacag ku bixiyo, oo caafimadka lacag ku bixiyo, oo waxbarashada lacag ku bixiyo oo cadalada lacag ku bixiyo oo dhisida laamiyada lacag ku bixiyo oo shidalka wixii la doono laga siiyo waxa soo dhan oo dawladu masuul ugu ahad qaranka waxay ku wareejisay tijaar intaa waxa raaca oo la wareejiyay dhulkii iyo hantidii qaranka sida warshadii laydhka guryihii dawlada hamihii dakadii kawankii qaliinka ee dawladu la hayd inta la burburiyay mid ganacsade leeyahay umada lagu qasbay oo mar walba sida uu doono ee isaga u faaiido ah danyarta ku soo rogo hadaba marka ninkii wax haystay ee tijaarka ahaa iibsado wixii umada ka dheexeeyey isna sida faa iido ugu jirto umada u boobo xukuumaduna shilimo ka qaadato oo masuulkii umado dooratay ka awood bato ganacsatadu oo sharciga iyo hantida umada uu nin ka wax haystaa la wareego oo shicibkii dhiiga laga jaqo .
Sow dalku ku noqon maayo sidii barigii ninkii qori sitaa awooda lahaa waxa dowlada loo samaystaa in ay isku joojiso ninka wax haysta iyo ninka aan haysan in loo sinaado hantida qaranka in tijaarka laga qaado cashuurta oo danyarta wax loogu qabto oo hantidooda umada mashariic ugu abuuran lakiin waxa ayaan daro ah in wixii umada ka dhexeeyay in shaqsi looga faa,iideeyo.
Waxa qaranka ka dhexeeya waxa u siman muwadiniinta oo dhan shaqona ka wada helaya oo aan si dhib yar loo eryi karin oo xuquuq iyo sharci qaran u yaal lakiin marka uu nin ganacsada ahi la wareego sida uu doono ayuu ka yeelaya oo shaqalaha uu meesha kula wareego waxa laga yaaba inuu kala badh eryi karo oo siduu doono ka yeeli karo waxa ka mida warshadii laydha ee uu la wareegay dahab shiil iyo ina awsiciid waxa dhacday in shaqalihii uu meesha ugu yimid kala badh meesha laga saaray erigoodana aan sharci loo marin.
Hadaba dalku waxa uu marayaa meel adag oo aad moodo in hanti boobo iyo kala urursi waxa kaloo jira in siyasadii xukuumadu kale socoto oo masuulkasta siduu doono u socdo oo xitaa uu ka hor yimado siyasadii madaxweynihiisa in masuuliyiintii ka wada tirsan xukuumada isku jawaban ama hadalkoodu iska hor yimado
Hadaba waxan madaxweynaha u soo jeedin laha in uu hoos u eego umada, inuu ka fiirsado bixinta hantida qaranka ee faraha baas lagu hayo, waxayna dowladii noqotay dowladii ugu iibka iyo wareejinta badnay ee dalka soo marta. waxay ololaha ku gashay in aad wax ka qaban doonto boobka hantida qaranka waxayna ku badashay inay kor u sii qaado boobka hantida umada sida khayradkii goobihii wax soo saaraka hantidii ma guurtada iyo nooc kasta oo umadu wada lahayd,
waxaad ku suntanayd madaxwayne shaqsi neceb musuq masuqa waxaad tahay odaygii dalka iyo dadka waxa ranji madow la marinayaa wax qabadkaagii tariikh daadii iyo magacaagii ,waxaad taladii umadu kuu dhiibtay gacanta u galisay dad aan adiga iyo umada iyo dalka midna aan u tudhayn,
waxa kula shaqeeya cid aan isku hadaf iyo isku siyaasad ahayn oo ku kala fog mabadida xisbinimo midba mee u socdo,sidaana madaxweyne dal kuma dhismo waa lagu burburaa ee dib ugu fiirso oo kala hubi wasiirada ka shaqaysanaya iyo ka qaranka u shaqaynaya manta caasimada aad fadhido dadku adeeg gii sariibada kamay helin waxana sabab u ah kootada cid lagu siinayo wixii umadu lahayd.
cimri tagay ceeb ha ku sagootiyin Madax weyne.
QALINKII MAXAMED Maxamed Cali Camir (MADHIN)