WAJAALE NEWS

Sanadka 2015-ku Miyaanu Wali U Billan Aqalka Madaxtooyada?

Ma Faalkaa diiday, mise waa farsamo Maamul.

 

Hargeysa(Wajaalenews-Aqalka looga arrimiyo Somaliland, ayaan dareen ahaan Bulshada Caalamka iyo Shacbiga Somaliland la wadaagin curashada Sanadka cusub ee 215-ka oo galay maalintiisii labaad Jimcaha Maanta.

Happy-New-Year-2015Madaxweynaha dalka ayaa ka gaabsaday inuu sidii looga bartay Hambalyo u diro Shacbigiisa iyo dadyowga dunida si la mid ah, madaxweyneyaasha Caalamka, isbedelka tirsiga Taariikhda Miilaadiga oo ah mid Caalamka oo dhami iminka u ah Kal-tirsiga xilliga, inkasta oo ay nasakhday Taariikhda Islaamka ee Hijiriyada.

Haddaba arrintan ayaa lagu sifeyn karaa inay ku timi laba sabbabood midkood uun, kuwaasoo kala ah. Waa mida koowaad’e Cimillada sanadka 2015 oo Faaliyaha qasrigu markii uu odorosay uu ka dhex arkay xinjiro dhiigle iyo guul-daro Muxaafid inuu sanadku bilow u yahay.

 

qodobka labaad, ayaa ah inay Karaaniyiinta Madaxtooyadu Ilaaween soo saarista Qoraalkii Hambalyada Madaxweynaha oo marka la doono, iyadoo aan waxba loo sheegin Madaxweynaha uu soo saari jiray Afhayeenka Qasrigu.

 

Mida kale ee isweydiinta leh waxay tahay sanadkani waa kii ugu horeeyay ee ay si isku mid ah u qaadaan Madaxtooyooyinka Somaliland iyo soomaaliya oo aan midkoodna wax dareen ah ka soo saarin bilashada Sanadkan cusub.

Exit mobile version