Hargaysa:(Wajaalenews)-Gudoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,MD. Cali Yuusuf (Cali-guray),ayaa difaacay warar laga baahiyay qaar ka tirsan Kooxda Caanka ah ee Xidigaha Geeska,kaas oo lagu eedeynayay inay Xidheen Calanka Somaliya,iyaga oo ku sugan Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Somaliya.
Waxa uu Cali-gurau Sheegay in Fanka iyo Sugaantu aanay Xuduud cayiman lahyn,isla markaasna ay Kooxdu soo noolaysay Fankii ay Hargaysa Caanka ku ahayd. “Fanka iyo suugaantu xuduud ma laha. Hadii ay Maraykanka tagaan ama laga casumo oo calanka maraykanka huwadaan macnuhu maaha Maraykan bay noqdeen. Xidigaha geesku hadii ay noqdeen horyaalka kooxaha fanka Soomaaliyeed Somaliland ma ceeb bay ku tahay mise waa siday ahaan jirtay oo weli kaalintii hal abuurka Soomaaliyeed REER Somaliland baa ku jirta. Xidigaha Geedku waxay xejiyeen kaalintii hormoodnimada ee fanka iyo suugaanta ee WALAALO HARGEYSA oo caan ahaa dabayaaqadii afartaneeyada iyo kontaneeyadii intii aan la furin HARGEYSA REDIO SOOMAALI” ayuu yidhi Cali-guray