Sucuudiga oo ka cadhooday halkaas wasiirada ayaa deg deg uga qaatay dalkaa, danjirihii u fadhiyay safaaradooda magaalada
Stockholm, (Wajaalenews/Agencies):- Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa safiirkeedi kala baxday dalka Sweden, ka dib markii ay ka cadhootay hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibada Sweden, Margot Wallstrom, taas oo sheegtay in dalkeedu xidhiidhkii milatari ee dalka Sucuudiga uu lahaa, ka bixi doono, haddii aanay boqortooyadu wax ka badalin nidaamkeeda xuquuqda aadamiga.
Sucuudiga oo ka cadhooday halkaas wasiirada ayaa deg deg uga qaatay dalkaa, danjirihii u fadhiyay safaaradooda magaalada Stockholm waxaanu hadalka wasiirka ku tilmaamay Sucudigu faro galin arrimaha gudaha ee dalkooda lagula kacay