HARGAYSA(Wajaalenews) Xukuumada Somaliland ayaa ciidamo xadh dhaafa soo dhoobtay xarunta golaha wakiilada somaliand oo ay shalay isku fara saareen shir gudonka goluhu taasi oo ay keenay moranka xeerka haamaha shidaalka lagu wareejinayo oo hore goluhu u laalay iyo xukuumada oo iyadu ka samri wayday diidamaa goluhu kala horyimid
Jawiga golaha ayaa laga dareemayaa in xoogag shalay ku dagaalamay golaha dhexdeedu uu wali socdo hirdankoodii
Xukumada ayaa lasheegay in ay qorshaynayso sidii ay si in qilaaba ula wareegi lahayd shir gudoonka taasi oo lagu wado in uu gudoomiyo gudoomiyekuxigeenka labad ee goluhu Dr cali yuusuf inkasta oo uu shlay Dr cali ka gaabsaday gabi ahaanba wixii golaha ka socday.
Dhanka kale waxa laga daremayaa guud ahaan caasimada iyo agagaarka golaha dadwayne badan oo is abaabulaya qorshaynaya in ka dhiidhiyan waxa golaha ka dhacaya
Si kasta ha ahaatee waxaa sugu doonaan saacadaha soo socda.