Gacan-libaax(Wajaalenews )-Weftigii uu hoggaaminayey Wiilka Siilanyo Sodoga u yahay, ayaa lagu qaabilay Rasaas, Dhagax-tuur iyo Sawaxan kadib markii ay gaadheen deegaan Buuraleyda ah ee lagu Magacaabo Callaa-cule, sidoo kale-na waxa ay weji-gabax kala kulmeen dusha sare ee Buuraleyda Gacan-libaax, halkaasoo sida qorshuhu ahaa loogu talo-galay in xubnaha weftigu ku Qadeeyaan.
Goob-joogayaal ku sugan deegaan Go’da weyn, ayaa Warbaahinta u sheegay in weftiga Carbeed iyo Wiilka Siilaanyo Soddoga u yahay ay caga-dhabad kaga soo baxeen Buuraleyda, kadib markii Mujaahidiin ka mid ah xaq-u-dirirkii SNM, hase-yeeshee kadib xurayntii dalka noloshu u saamaxi-weyday inay ku noolaadaan Magaalooyinka, ayaa Rasaas ooda kaga qaadeen, waxaana xaaladu isu bedeshay caga-dhabad, Sawaxan iyo qaylo-dhaan cod-dheer, taasoo kasoo yeedhaysay Odayaashii deegaanka.
Intaa ka dib waxa xubnihii weftigu go’aansadeen inay usoo baqoolaan dhinaca Magaalada Hargeysa, halkaasoo sida qorshuhu yahay xubnaha weftigu kusoo af-meeri doonaan safarkooda Somaliland, iyadoo sida la filayo xubnaha weftigu ka dhoofi doonaan Madaarka Hargeysa Maalinta Berri ah, waxaana sidoo kale la filayaa in diyaaradii siday weftiga oo Xalay ku hoyatay Magaalada Jabuuti inay soo gaadho Hargeysa Maanta gelinka danbe.
Waxa kale, oo wararku intaa ku dareen in dhacdadaa foosha-xun ee la kulantay weftiga Carbeed iyo Wiilka Siilaanyo Sodoga u yahay in si weyn loogu canaantay Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Axmed-Keysa oo dhacdadani ay ka mid ahayd waxyaabihii xilka loogu dhiibay, Md. Axmed Keysa oo isagu markiisa hore-ba aan xidhiidh wanaagsan la lahayn qaybaha kala duwan ee dadka deegaanka ku dhaqan.