WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Degmada Gacan libaax Oo Xadhig Sharci Daro ah Kula Kacay Gudoomiyaha Dhalinyarada Xaafada Sheekh Nuur, Ku Tagri Fal Awoodeed U Gaystay Dad Dan-Yar Ah.

Hargeysa(W,N)-Gudoomiyaha  degmada gacan Libaax Maxamed Subeer, ayaa todobaadkii u dambeeyey hawlgalo uu cid ugu danaynaayo ka waday Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa.

Hawlgalka, ayaa lagu dumiyey Meherado ay ganacsato iyo kooxo abaabuline, ka dacwoodeen, kuwasoo uu dumiyey, isla markaana uu kula kacay Baab’bin hantiyeed.

Sidoo kale, Gudoomiye Subeer, ayaa raris ku sameeyey Istaankii Basaaska ee Xaafada Sheekh Nuur, Isagoo geeyey meel aan ku haboonay, iyadoo ay jirto goobo ku haboon oo istaatiiyo oo loo rari karo.

Gudoomiyaha ayaa iska dhego mariyey inuu Basaaska geeyo goob ku haboon, waxanu dejiyey Xaafado iyo Iskuulo ay dhigtaan kumanaan Caruur ah.

Sidoo kale, Gudoomiye Subeer, waxa uu shalay Xabsiga u Taxaabay Gudoomiyaha dhalinyarada Xaafada Sheekh Nuur, Xasan Cali Maygaag, oo kamid ah, dhalinyarada Xaafadaas ugu mudakarsan, isagoo u gaystay xad-gudub iyo awood sheegasho. Kadib markii uu Gudoomiyihuu ka Dalbaday inuu gurigooda anay hortiisu ku haboonanay in laga dhigo Istaanka basaaska.

Si kastaba ha haatee Gudoomiye Subeer, ayaa noqday masuul cid gaar ahi, u adeegsato danaheeda gaarka ah, waxana hada ka taagan Xaafada Sheekh Nuur Xiisad, iyadoo uu Meherado badan dhulka lala simay, sidoo kalena uu istaankii Basaaska ka dhigay goob aan ku haboonay.

La soco warar dheerada.

XIGASHO; XOGREEBNEWS

Exit mobile version