WAJAALE NEWS

DAAWO;Prof. Ahmed Ismail Samatar Oo Wax Laga Waydiiyay Hadalkii Prof. Bulxan Uu Dhowaan ku Weerayay, Xisbiga Kulmiye Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Iyo Arimo kale Oo Muhiima.

HARGAYSA(WAJAALENEWS) Prof Axmed Ismaaciil Samatar, oo muddooyinkii u dambeeyay si dhaw isha ugu hayay siyaasadda Somaliland, islamarkaana ay soo baxayeen warar ku saabsan inuu doonaya inuu Xisbiyada uga dhex tartami doono musharaxnimada doorashada 2017, ayaa arrimahaasi wax laga waydiiyay, isagoo sheegay inay jiraan wada hadalo saddexda Xisbi qaran ee Somaliland u socda balse aanu wali meelna go’aansan.

Prof Samatar oo la waydiiyay xisbiga ugu dhaw saddexda Xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa ku jawaabay “ Ma ogi ka ugu dhaw, oo dee anigu xisbiyada madaxdoodii ma ahi. Aniguse waxaan arkayaa in saddexda xisbi ba yihiin xisbiyo sharaf leh oo tartankii Ururada badan ka soo hadhay oo mid waliba quwad gooni ah ayuu leeyahay, sidaas awgeed baan mid walba markay ii suuro gasho aan madaxdooda salaamaa oo aan la sheekaystaa iyaguna ay su’aalo I waydiiyaan, hadalo wanaagsana way na dhex mareen saddexdaba laakiin, ilaa maanta xisbi aan galay ma jiro. Waxaan sugayaa inaan wax walba ka fiirsado,” ayuu yidhi Prof-ku.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay inuu khibrad badan ka dhaxlay xisbigiisii hiil qaran iyo doorashadii uu Somalia uga tartamay sidaas darteedna uu aad uga fiirsanayo boholaha siyaasadda si aanu ugu dhicin markale. Waxa uu sheegay inuu taxadar badan samaynayo “Soomaalidu waxay tidhaa mar I dage Alle ha dago mar labaad I dagena anigaa is dagay, markaa ma doonayo inaan is dago dee,markaa waa inaad aad iyo aad uga fiirsataa, haddii markaa la gali karo siyaasaddana dee waa la arki haddii aan la gali karrina waxa khayr ku yahay inaan dibadda iska joogo,” ayuu yidhi Prof-ku.

 

 

Exit mobile version