WAJAALE NEWS

Daawo ;Shirkada Dahabshiil Oo Garoon Caalamiya Ka Dhigtay Hargeisa Stadium Keentayna Diyaarad Dubeeysa Xiliga Ciyaaruhu Socdan.

Daawo ;Shirkada Dahabshiil Oo Garoon Caalamiya Ka Dhigtay  Hargeisa Stadium Keentayna Diyaarad Dubeeysa Xiliga Ciyaaruhu Socdan.

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxda Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn ugu ammaanay shirkadda Dahabshiil Group doorka muuqda ee ay ka qaadato horumarinta adeegyada ciyaaraha dalka, iyadoo mashaariic fara badan oo shirkaddu kaga qaybgalayso tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadka 2015 ee dhawaan la filayo inay qabsoomaan ay badankoodii dhammaadeen, qaarna socdaan.

 

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin, Agaasimaha guud Maxamed Dhabbeeye iyo madaxda shirkadda Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayey Maareeye-ku-xigeenka shirkadda Cabdi Faarax Axmed, ayaa ka wada qaybgalay xaflad kooban oo ka dhacday garoonka wayn ee Kubadda Cagta Hargeysa Stadium shalay, waxay kaga hadleen kaalinta horumarka ku suntan ee sida joogtada ah Dahabshiil uga gaysto horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada isugu jira dib-u-dhis, horumarin, casriyeyn, qalabaynta garoomada kubbadaha ee dalka, baahinta ciyaaraha iyo abaalmarinaha qaalliga ah ee shirkaddu ugu deeqdo gunaanadka ciyaaraha gobollada waddanka.

Exit mobile version