Burco(Wajaalenews):Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Saaka Looga Dareeray Tukashada Salaada Ciidul Adxada
Iyada Oo Dadweynaha Reer Burco Ku Tukadeen Goobo Kala Duwan Oo Ka Mid Ah Magaalada Burco Ayaa Waxa Dadweynaha Ugu Tirada Badan Ay Ku Tukdeen Garoonka Kubada Cagta Ee ALAMZEY Waxaana Dadweynaha Kala Soo Qaybgalay Tukashada Salaada Duqa Degmada Burco Iyo Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer.
Maayirka Magaalada Burco Maxamed Muraad Iyo Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Oo Iyagu Dadweynaha Kala Hadlay Ka Hor Intaan La Xidhan Saalada Ciidul Adxada Ayaa Waxa Ay Bulshada Ku Hambalyeeyeen Munaasibada Ciida Iyaga Oo Sido Kale
Ku Booriyey Dadweynaha In Ay Ilaashadaan Nabad Galyada Iyo Xasiloonida Gobolka Togdheer.
Jawiga Guud Ahaan Munaasibada Ciida Ee Magaalada Burco Ayaa Ku Soo Dhamaatay Jawi Degen Iyada Oo Dadweynaha Kala Duwan Ee Reer Burco Isugu Hambalyeynayeen Munaasibada Ciida.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane