WAJAALE NEWS

R Wajaale:Wasiirada Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Agaasimayaasha Tacliinta Sare Iyo Cadaalada Xilalkii U Kala Wareejisay Dhagayso.

Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Ayaa Maanta Xilka U Kala Wareejisay Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Tacliinta Sare Abiib Axmed CaliIyo Agaasimahii  Hore Ee Tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye Oo Loo Magacaabay Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Iyo Garsoorka Somaliland.
DSC06888
Munaasibadan Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Somaliland Samsan Cabdi Aadan ,Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Kumiishanka Tacliinta Sare Iyo Masuulyiin Kale.
Halkan Ka Dhagayso

Ugu Horeyn Waxa Halkaasi Ka Hadlay Agaasimihii Hore Ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye Kana Waramay Waxqabadkii U Kusoo Kordhiyey Inta Uu Xilka Wasaaradaasi Hayey Waxaana Uu Yidhi”

“Aniga  Halkan Waxa La Ikeenay

Xilkana Waxa La Ii Dhiibay 7bishii Aktoobar 2010kii Oo La Ii Aas-Aasay Agaasimaha Guud Ee Tacliinta Sare Xiligaas Waad Ka War Qabtaan Oo May Jirin Agaasimka Tacliinta Sare Waxaana La Odhan Jiray Uun Wasaarada Waxbarashada Somaliland Waxaana Ay Ka Dhalatay Fikirkii Dawlada Kulmiye Markii Ay La Wareegtay Talada Dalka Somaliland Oo Loo Baahday In Ay Wasaaradu U Baahan Tahay In Loo Magacaabo Masuul Gaar Ah Si Loo Balaadhiyo Loona Horumariyo,Runtii Tariikh Dheer Ayey Leedahay Saddexdaas Sanno Iyo Toddobadaas Bilood Waxaana Lasoo Maray Tariikh Dheer.

Agaasimaha Xilka Wareejinayey Khadar Axmed Diiriye Ayaa Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata Intaasi Ku Daray”Runtii Markii Aan Halkan Yimid Manaan Lahayn Xafiis Aan Fadhiisto Shaqaale May Jirin Bajad Isna Haba Sheegin Sharciyada Adag Iyo Wax Kala Soconaayayna May Jirin,Markaas Markiiba Waxaan Bilaabay Aniga Oo Kaashanaya Wasiirka Wasaarada Inaan Ku Dhaqaaqo Sidii Aan U Horumarin Lahaa Waxaanu Isla Eegnay Sidii Uu U Dhaqaaqi Lahaa Waanan Ku Guulaystay Markiiba Maanta Waxaan Ka Tagayaa Tariikh Sii Jiri Doonta Markaan Xilka Ku Wareejiyo Agaasimaha Cusub Ee Madaxwaynaha Somaliland Xilkan Usoo Magacaabay.

 
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraham Habane

Exit mobile version