WAJAALE NEWS

Xeer Ciqaabeedka Somaliland Ma Bible Code’ baa Mise Waa Penal Code.

GOGOL DHIG :-

Wadan kastoo aduunka dulsaarani wuxuu leeyahay Xeer-Ciqaabeed lagu xadeeyo hab-dhaqanka umada (Morals & Conduct), waana xeerka jideeya falkasta oo Dembi noqon kara iyo waxa lagu ciqaabayo qofka fal sharcigu Dembi u aqoonsan yahay uu ku cadaado, taasoo ay waajib tahay in muwaadinka ama qofkasta oo lagu dabaqayo xeerkan uu ku baraarugsanaado, ogaado, aqoona u lahaado.

isla markaana si fudud u heli karo, una fahmi karo xeerka ciqaabta si uu uga digtoonaado in uu ku dhaco fal Dembiyeed Xeerku ciqaab u dejiyay, tiirka ugu wayn ee uu ku dultaagan yahayna waa Dastuurka (Constitution ), xeerkani labada mabda’a ugu wayn ee uu ku salaysan yahay waa, “ qofna lagu ciqaabi maayo fal aanu dambi ka dhigin xeerka ciqaabtu” oo luuqada sharciga lagu yidhaahdo “ No One Shall be Punished With Determined by Law” Mabda’a labaadna waa “Qofna cudur daar kama dhigan karo aqoon darada xeerka ciqaabta” oo afka shariga lagu yidhaahdo “Ignores of penal law That is not excuse”.

DULUCDA :-

Hadaba qoraalkaygani wuxuu ku qotomaa magaca Xeer ciqaabeedka Somaliland ma Bible code’baa mise waa Penal Code? Siday dad farabadan oo ku dhaqan gayiga Somaliland aaminsan yihiin in Xeer-Ciqaabeedka S/Land yahay Bible Code “Xeerka Kiristaanka” layaab malaha oo dhagahooda uunbay ka badatay magaca xeerkan, wax aqoona umale, waxna ma baadhaan ileen soomaali ayeynu nahay oo isla marka wax la inoo sheego ayeynu markiiba xukunaa.

Akhriste bal ila yara dhugo sheekadan na dhex martay aniga iyo nin Muwaadin ah, goor aanu Hiraab wada cunaynay .

Muwaadin:-    waaryaa Waytarow kaalay .

Aniga :-        Sxb, uyeedhida Wayatarku Nidaam iyo Sharci ayey leedahay si wanaagsan ugu

yeedh.

Muwaadin :- waar waad waalan tahay maxaa sharciya kii Maxkamadaheenii yaalay baa lagu

xukumaa Bible Code, “Xeer Kiristaan” ?

Aniga :-           sxb ma taqaanaa wuxuu yahay Bible Code’ku?

Muwaadin :-  Now, dee waa Xeerka Kiristaanka.

Aniga :-           Haye, inagu ma Kiristaan ayeynu nahay, ileen waadiga yidhi maxkamadaha S/land

waxaa lagu xukumaa Bible Code “Xeer Kiristaan”?

Muwaadin:-  Maya, laakiin xeer-Ciqaabeedku waa ka Kiristaanka oo kale.

Aniga :-           Sax, haye wali ma aragtay ama ma akhriday Xeerka aad tilmaamaysid ?

Muwaadin :- Uf, maxaa ii gaynaya xeerkaas qudhunka ah, ma gaalbaan Noqday .!!

Aniga :-           sxb aad baan u ixtiraamayaa fikirkaas aad aaminsan tahay , laakin dhagahaaga Iyara

sii, kula yaabi maayo oo kumanaan kun oo reer S/land ah ayaa aaminsan figrada aad

adigu imika aaminsan tahay .

Muwaadin :- Haye Soo daa waxaad haysid bal .

Aniga :-       Sxb, horta waxaanad garanayn ama aanad baadhin ha ka waramin, sida xaqiiqda ah

magaca Xeer-Ciqaabeedka S/land waa Penal Code oo kalmada hore (Penal )

micnaheedu yahay “Ciqaab” kalmada labaadna (Code) OO micnaheedu yahay “Xeer”,

marka la isku wada daro labadaas kalmadood macnaheedu waxay noqonayaa (Penal

Code) oo micnaheedu yahay “Xeer-Ciqaabeed”, hadii sxb aad doonaysid inaad xaqiisid

arrintan soo baadh ama waydii qofkii aad is leedahay aqoon iyo garaad ayuu kugu

dhaamaa.

Muwaadin :- Alla sxb Ilaahay khayr ha ku siiyo ileen dadku meeshii Penal’ka ahayd ayey u

badasheen Bible, Allow hanagu cadaabin waxaanan aqoon u lahayn.

Aniga :-        haye sxb, cuntadii waa la keenay…….

 

Hadaba sida ku cad sheekadan ummad weynaha reer Somaliland intooda farabadan waxay aaminsan yihiin in Xeer-Ciqaabeedka S/Land yahay Xeerka Kiristaanka oo kale “Bible Code”, sida saxda ahna waa “Penal Code”, inagoo Xeerkan ka dhaxalnay wadankii burburay ee la isku odhan jiray Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaliya, waxaana  Xeerkan la ansixiyay Xeer baarlamaan Lr.5, Ee 16kii Diisember 1962, wuxuuna dhaqangalay  3dii Abriil 1964.

 

Garsoorka Maxakamadaha Soomaalidu, waxay diyaariyeen qoraal gacmeedkii ugu horeeyay ee dib u habaynta xeerka ciqaabta, sanadkii 1957, kaasoo ku salaysnaa xeerkii dhaqan galka ka ahaa koonfurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray oo lagu sameeyay fududayn badan oo la xiriira dhaqanka Soomaalida iyo caadooyinka gudaha (Tradition and Custom) isla markaana la siiyay nidaam cusub oo saamaynaya Dembiga iyo ciqaabtaba.

Laakiin curintaas lama sii dabagelin, iyadoo ay ka hor yimaadeen carqalado badan oo u badan Arrimo Siyaasadeed, Waxay ahayd uun wax yar ka dib madaxbaanidii Soomaaliya iyo is raacii labada qaybood ee Koonfurtii Talyaanigu gumaysan jiray iyo Maxmiyadii Ingiriiska ee Woqooyiga ee Dastuurka ku midoobay, in isku dayadii iyo midayntii tamar lagu dhaqaajiyo hawlihii sharci dejineed.

waxaaa xeerarkaas la dedejiyay intii u dhexaysay dhamaadkii 1961 iyo bilawgii 1962, dedejintaas oo uusan hadafkeeda keliya ahayn in si buuxda loo dhaqan geliyo ma’baadiida dastuurka, balse ay ku jirtay in la mideeyo labadii nidaame kala duwanaa ee lagaga kala dhaqmayay Woqooyiga iyo Koonfurta oo si ku meel gaara loogu daayay ku sii shaqaynta labadooda nidaam quusanuneed sida uu jideeyay “Axdigii midawga” ee 31 jenaayo 1961, iyadoo dhaqan galkoodu ku xadidnaa dhulalka ay khuseeyeen.

 

Haddaba , sidaas darted, waxaa la ansixiyay Xeer lr. 5, 30kii Jenaayo 1962, kaas oo loogu igmaday Xukuumada Xeerka Ciqaabta (Penal Code) Xeerka Habka Ciqaabta (Criminal Procedure Code) iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka (Judicial System Act) , iyadoo Xeerka la raacayo waxaa la saaray guddi gaara oo aqoonyahano sharci oo soo diyaariya, iyadoo ay ansixinayeen guddi xeer dejineed oo uu Gudoominayay Wasiirka Cadaalada, kana kooban xubno baarlamaan iyo khabiiro, kuna jiraan dhammaan xubnihii guddiga gaarka ahaa ee garyaaqanada, kuwaas oo go’aankooda ay dawladu ku khasbanayd.

 

Guddiga garyaqaanada ah waxaa lagu sharfay in uu gudoomiyo “Renato Angeloti”, oo ahaa Barre Jaamacadeed oo khabiir ku ah Xeerarka ciqaabta, waxayna diyaariyeen Sadex buug oo ku qoran Afka Talyaaniga iyo Ingiriisiga kuwaaso kala ahaa Buuga I “Dembiyada guud ahaan”, (General Offenses) Buugga II “Dembiyada gaar ahaan” (Particular Crimes) iyo Buugga III “Gefafka ama Khilaafaadka gaar ahaan” (Partcular Contraventions ) Xeerkani wuxuu ahaa mid salka ku haya Dastuurkii waqtigaa ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka; sidaas ayuuna xeerkii cusbaa ee Ciqaabtu ku dhaqan galay, kaas oo markii ugu horaysay ku soo baxay afka Talyaaniga, balse waqtiyo danbe loo tarjumay afafka Ingiriisiga iyo Carabiga, laakiin wakhti dambe ayaa la isku dayey in loo turjimo Afkeena Hooyo.

 

Qoraalkan kaga hadli mayno Xeer-Ciqaabeedka S/land ma ka hor imanayaa shareecada Islaamka, mise kama hor imanayo ee waxaynu kaga hadlaynaa magaca Xeerkani ma Bible Code’baa mise waa Penal Code, shacabku intooda aan sharciga aqoon u lahayn waxay xeerkan u yaqaanan “Bible Code” oo macanaheedu yahay Xeerka Kiristaanka, iyagoo marka uu khilaaf ciqaabeed soo kala dhexgalo u xukun doonta isla sharcigaas, talow markaa ma iyagaa Diinta Kiristaanka qaatay ? mise aqoon baanay u lahayn Xeerka ay aaminsan yihiin wuxuuu yahay ? su’aalahaas markaad maskaxdaada waydiiso waxaad ogaanaysaa in Xeer-Ciqaabeedka S/land lagu sameeyey waxaa afka sharci lagu yidhaahdo “Cracted Assassination Act” oo macnaheedu yahay (Shakhsi Dilid Xeereed).

Wakhtigii xeerkan la dhaqan galiyey shakhsiyaad ka tirsan bulshada ayaa goobaha dadweynuhu iskugu yimaadaan kaga dhawaaqay in la unkay Xeer Kiristaan ah oo la yidhaahdo Bible Code, soomaalidu ileen waa ummad aqoontoodu ku salaysan tahay Hadal (Oral), markiiba waxay ku dhegeen Xeerkani waa Bible Code, sidii facba-fac ugu gudbinayey ayey ilaa haatan dadku aaminsan yihiin in Xeer-Ciqaabeedkani yahay Bible Code, laakiin warbixintan ka dib Aniga, adiga iyo idinkaba waxaynu aaminsanahay In Xeer Ciqaabeedka S/land magaciisa rasmiga ahi yahay Penal Code.

GEBAGEBO:-

Ummadi waxay ku faantaa shuruucda iyo qawaaniinta uu dalkoodu leeyahay, una xadhko xidhaan sidii ay u fuli lahayn Cadaaladu, sidaa darteed, dhamaanteed waa in aynu ogsoonana in Alle (SWT) maalinta Qiyaame uu ina waydiin doonaa waxaynu ka waramayno iyo waxyaabaha aynu sheegayno ee aynaan garayn, Aqoon u lahayn, waligeen arag, waligeen magal, waligeen urin.

Guntii iyo gebadii warbixintan waxaan ku soo duubay ducadii soomaaliyeed ee ahayd “Allow Hanoo Qaban Waxaanan Aqoon U Lahayn”….

AFEEF:-

Igama aha Qoraalkaani in aan cid canbaareeyo ama aan taageero Xeerka Ciqaabeedka S/land, balse waxaan ahay ruux jecel cadaalada iyo fulinta Qawaaniinta, necebna in Xeerarka La shaqsi dilo.
Qore : – Garyaqaan Jimcaale Jaamac Muxumed.

 

Alla Mahad Leh.                                                                                                                          31/7/015

 More information visit my Email:-Sharciyaqaan2015@gmail.com.

Exit mobile version