Boorama(W.N) Alla ha unaxariistee waxaa saaka lagu dilay xereda milatariga magaalada Boorama askari katirsanaa ciidanka milatariga ee degmada Boorama oo la odhanjiray xidigle Faarax Faray, halka la dhawaacay taliyihii xerada milatariga degmada boorama oo la yidhaa Xasan Caqli, Sida uu noo sheegay wariyaha WAJAALENEWS u jooga magaalada Boorama.
Dilka askariga dhintay iyo dhaawaca taliyaha ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidanka milatariga degmada Boorama oo ay ciidamada milatarigu ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan Haatana ku xidhan magaalada boorama.
dilka taliyayaasha iyo askarta ayaa beryahan danbe caadi noqdey islamarkaana xukuumadu waxba ka qaban