WAJAALE NEWS

WAR DEG DEGA; Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada.

CADAADO(Wajaalenews) — Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Goor-dhowayd kaga Dhawaaqay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir-u-dowle, iyadoo Golaha Wasiirradan ay ku jiraan Xubno ka socda Ururka Ahlusunna Waljameeca.

Golaha  Wasiirrada Galmudug ayaa looga dhawaaqay Munaasabad ka dhacday Degmada Cadaado, taasoo ay oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan xildhibaannada maamulkaas iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirrada Maanta la magacaabay ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli shalay ay Degmada Cadaado heshiis awood-qaybsi ah ku kala saxiixdeen Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug, kaasoo ka koobnaa afar qodob.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug oo ay horay uga dhammaatay xilligii uu ku soo magacaabi lahaa Wasiirradiisa ayaa bishan gudaheed waxay xildhibaannada Galmudug ugu kordhiyeen 15-maalmood si uu heshiis ula galo Ahlusunna.

 

WARARKA DANBE KA FILO MAGACYADA WASIIRADA GALMUDUG

 

Exit mobile version