GABILEY(Wajaalenews) Waxaa Maanta galinkii danbe ilaa caawa ku curtay roobab aad loogu qabowsaday deegaano badan oo ka tirsan gobolka gabiley kuwaasi oo qaarkood ay ka taagnayd abaaro ba,ani NIMCADAN ALLE ayaa ah mid aad loogu diirsaday guud ahaan gobolka gabiley oo ay ka taagnayd abaaro dad iyo duunyaba saameeyay kuwaasi oo xiligan ku sugnaa xaalad qalafsan
Roobabkan ayaa galabta ka da,ay deegaano badan oo ka mida gobolka gabiley Ilaa caawana ka da,aya meelaha nimcadu sida fiican usoo gaadhay ayaa waxa kamida magaalada gabiley arabsiyo deegaanada ku xeeran magaalada kalabaydh ,gufada iyo deegaano kale oo kamida gabiley
Roobabkan ayaa imanaya xili gobolka gabiley ay ka bilaabantay Gurmadka biyo Dhaamiska kuwasi oo ay maanta bilaabeen maamulka gobolka gabiley oo uu hor kacayo wasiirka warshadaha
Dhanka kale bulsho waynta ku dhaqan guud ahaan gobolka gabiley ayaa maalintii khamiistii iskugu soo baxay ROOBDOON ay ILAAHAY KU WAYDIISANAYAAN IN UU SIIYO RAXMAADKIISA
sikastaba ha ahaatee waxa caawa deegaano badan oo kamida gobolka gabiley ku naaloonayaan RAXMAANKA EEBE
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM