Hargeisa(wajaalenews)-Qoysaska ama guryaha dhisan waxaa dumiya waxaa kow ka ah is faham la’aan ay is fahmi waayaan labada lamaane ee nolosha wadaagaya gaar ahaan xaga dabeecada.
Hadaba waxaad iska ilaalisaa hadaad tahay lamaane ama maagane in aad iska ilaaliso wax kasta oo is fahan la’aan ah halkana waxa aynu ku sheegi doonaa qaar ka mid ah arimaha sababa ama dumiya qoyska ama reerka dhisan ee is jecel inta aynu sheegaynaa maaha oo kaliya arimaha dumiya qoska laakiin waa ka mid waxyaabaha qoyska dumiya ama burburiya qoyska.
Waxaana ka mid ah:-
- Qalafsanaanta (ad’adayga )……………….. Ha noqon mid qalafsan oo adag oo aan la fahmin Karin waa xaaskaagee ama sayigaagee waxaad noqotaa marka aad la hadlayso lamaanahaaga kale midka ugu hadal dabacsan ee ugu dulqaadka badan noqo mid dabacsan oo uu lamaanahaagu fahmi karo hana isku dayin in aad noqoto mid laga baqo oo cidi la hadli waydo.
- Amarka faraha badan ( digtaatoori )……………… Ha noqon mid amar badan oo jecel mar kasta in uu wax amro amarka faraha badani waxa uu keenaa in uu qofku dhega barjoobo oo siduu mar kasta amar uga baqanayo in uu waxba qaban waayo oo uu go’aan qaadan waayo oo qofkii ay ku beerto cabsi faro badan taasina ugu danbaynta waxa ay keenaysaa in qofku uu marka danbe sida folkaanaha uu hal mar qarxo.
- Beenta ( khiyaamo )…..………… Beenta inagu hadaynu nahay islaam ilaahay waa inaga xaaratimeeyey cid kasta oo isticmaashaana waynu aragnahay halka ay ku danbeeyeen beentu ama khiyaamadu isma qariso markaa ha isku dayin in aad been ama khiyaamo isticmaasho waayo waxaad tahay qofkii mar uun fashilma mar hadaad fashilantana cid dib kuu aaminaysaa ma jirto waayo soomaalida ayaa tidhaa beentaada hore runtaada danbe ayey dishaa markaa ha isku dayin khiyaamo ama been waayo kalsoonidii qofka kale ayaad dhaawacaysaa marka hore wax walba qofka u sheeg.
- Cadhada(xanaaq)………………. Iska ilaali in aad noqoto mid cadho badan ama mar kasta xanaaqa oo la fahmi waayo waxa uu ka xanaaqasan yahay waad cadhoon kartaa ama xanaaqi kartaa laakiin isku day in aanad noqo mid mar kasta cadhooda oo xanaaq waa ceeb in xanaaq lagaaga barto mida kale isku day in marka aad cadhooto aad noqoto mid cadhada hore ugu soo noqda waad cadhoon kartaa laakiin iska ilaali laba shay…… in aad noqoto mid mar kasta xanaaqa ama cadhooda yaan cadho lagaaga baran……………..B. in aad noqoto mid markuu xanaaqo ka soo noqda oo aan ku sii adkaysan xanaaqiisa, Waa in aad noqotaa mid cadhada qarsan kara oo dul qaad u leh.
- Shaqada ( hawsha guriga )…………….… ha noqon mid gurigiisa waxba ka qaban waaya oo hawsha guriga taala dhiniciisa qaban waaya isku day markaad guriga joogto in aad caawiso reer kaaga wixii hawl ah ee aad ka caawin karto taasi waxa ay keenaysaa in ay gabadhu dareento in uu ninkeegu jecel yahay gurigiisa hadii ayna guriga jirin wax hawl ahi isku day in aad gabadhaada waydiisato in aad ka caawiso shaqada oo wax ka mid ah aad la qabato taasi waxa ay qalbiga dumarka ku reebtaa xusuus aad u qaaliya ah.
- Shaqaale ( qof adiga kuu shaqeeya )…………………. Ha u qaadan gabadhaadu in ay kuu tahay shaqaale ama wax aad adigu leedahay oo kale sida adoon aad soo qabsatay oo kale laakiin u qaado oo ula dhaqan in ay tahay qofka kaliya ee nolosha dhabta ahi ay idinka dhaxayso ha u arkin in ay kaligeed kuu baahan tahay mar kasta waxaad noqotaa oo aad iska soo qaadaa in aad adigu u baahan tahay oo hadii ay tagto aad adigu wax ku waayeyso gabadhuna sidaa oo kale ha ka soo qaado hadii in ay tahay ta kaliya ee wax ku waayeysa in ay tahay hadii uu gurigoodu dumo laakiin hadaad istidhaa iyadaa kuu baahan ama isagaa kuu baahan taasi waxa ay keentaa kibir iyo isla wayni noqo mar walba ka baahan adigu.
- Yasid ( yareysi )…….………….. Iska ilaali in aad gabdhaaada yasto oo aad amaani waydo oo aad dumarka kale amaanto taasi waxa tahay ama ay ka dhigan tahay in aad gabadhaada aad yastay oo aad yareysatay waxa ayna ku keenaysaa in ay niyad jabto markaa iska ilaali in aad gabadhaada yasto gabdhaada ha u amaanin dumarka qayrkeeda ah adigoo iyadana aan amaanayn hadaad cid amaanayso waxaa amaan mudan in aad gabadhaada amaanto dumarku aad ayey u neceb yihiin in gabadh kale loo amaano iyadoo iyadana la yasayo.
- Aflagaado ( cayda )…………………. Aflagaadadu waa wax xun af xumo nabad way kaa kaxaysaa colaad na waxba kaagama tarto ayaa hore loo yidhi dumarku waxa ay dhegahoodu maqlaan waxa ay ugu jecel yihiin amaanta waxayna ugu neceb yihiin cayda markaa iska ilaali in aad gabadhaada aad caydo waayo caydu waa af xumo, afxumaduna ma wanaagsana waxanad ogaataa in ayna dumarku iloobin cayda la caayo waxaana qofka kasta ku naaqisnimo ah in uu caayo xaaskiisa ama sayigeeda.
- Wakhtiga oo aad la qaadan waydo( mashquul )………….…………. Gabadhaadu yaanay dhicin in aad wakhti u waydo waxaad isku daydaa wakhti ka mid ah wakhtigaaga in aad in uu la sheekaysato oo aad la qaadato wakhti ka mid ah waayo gabadhu waxa ay ugu jeceshahay cid ay la sheekaysto waa odaygeeda adigiina hadaad ka mashquusho oo aad wakhti u waydo waxa ay dareemaysaa cidlo hadii ay cidlo dareentana waxa dareemaysaa waxyaabo faro badan oo ay ugu horeyso in ay dareento in aanad jaceyl u hayn oo ay isku qaadato alaab meel la dhigtay oo kale.
- Hadyada ( u keen hadyad )…………………………. Dumarku aad bay u jecel yihiin in la siiyo ama loo keeno hadyadaha waayo inta badan qofka waxa aad waydiisato waxaa ka wanaagsan oo ka farxad badan waxa laguu keeno waayo qofka wax aanad ogayn kuu keenaa waa qof ku jecel oo aad agtiisa ku leedahay xasuus markaa hadyada uu ninku ama gabadhu ay u isku keenaan waxay adkaysaa ama xoojisaa xasuusta jacaylka iyo jiritaanka jacaylka qoysnimo markaa hadyadu waa waxa ugu fiican ee dumarku ugu jecel yihiin markaa ragow ogaada hadyadaha.
- Latashi ( wax waydiin )……………………….. Ha noqon mid aan gabadhiisa aan la tashan oo aan waxba waydiin waayo gabadhaadu waa qofka kaliya ee kuugu dhaw kuna siin karta talada ugu wanaagsan ee ku haboon hawsha aad qabanayso waana qofka ugu horeeya ee ku farxaya horumarka aad gaadho waana qofka ugu horeeya ee ka naxaya dhibaato kasta oo ku soo gaadha markaa waxaad isku daydaa in aad noqoto mid la tashada xaaskiisa.
Qalinkii Mohamed Ali Mataan.
Hargeis Somaliland.