WAJAALE NEWS

Nuxurka Warqad La Helay Oo Daahir Rayaale U Diray Raysalwasaarihii Ingiriiska Golden Brown

Hargeysa(Wajaalenews)  Warqad uu helay Wargeyska Geeska Afrika ayaa muujinaysa dedaalka Madaxweynihii hore ee Somaliland ugu jiray ka midho dhalinta qaddiyadda Somaliland. warqad diblomaasiyadeed oo  Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin sannadkii 2007 u diray raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Gordon Brown ayuu kaga codsaday taageero aqoonsi raadis.

Warqadaas, wuxuu Madaxwaynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale, raysalwasaarihii Ingiriiska kaga dalbaday inuu Ingiriisku Somaliland ka taageero dedaalo diblomaasiyadeed oo ay Midowga Afrika kaga dhex raadinaysay aqoonsi ay siiyaan qaddiyadda Somaliland.

Warqaddan oo ujeedadeedu ahayd: hawlaha diblumaasiyadeed ee ay Somaliland ka dhex waddo dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, kuna taariikhaysnayd December 12/2007 waxa ay ku bilaabatay, “Mudane raysalwasaare; Fadlan ii ogoloow in aan cabbiro farxadda weyn ee ay ii tahay in aan kaaga mahadnaqo caawimada joogtada ah ee ay dawladdaadu siiso jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumaddaydu waxa ay muddo ka soo shaqaynaysay isku day xurmo leh oo ay ku raadinaysay taageerada dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika (AU) iyada oo ujeedadeedu tahay sidii ay ugu dambaynta ugu qancin lahayd in ay aqoonsi diblumaasiyadeed siiyaan Somaliland.

Si kastaba ha ahaato ee, waxa aanu hadda gaadhnay halkii aanu u baahannay in aanu dawladda boqortooyada Ingiriiska kala tashanno arrimo door ah oo diblumaasiyadeed, si faahfaahsanna ula sii lafa guri lahayn, habka aad dawladdayda ugu fidin kartaan caawimada aanu ugu baahannay dadaalkayagan aanu aqoonsiga diblumaasiyadeed kaga doonayno dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika.

Sidaa awgeed, farxad weyn baa ay ii noqonaysaa, haddii aad wasaaraddaada arrimaha dibadda iigu ogolaato in arrinta aan kor ku soo sheegay ay falanqayn dheeraad ah kala sheekaysato safiirkayaga wareega, Dr. Maxamed A. Maxamed, oo arrintan u xilsaaran.

Danjire Maxamed waxa uu sidoo kale dawladdaada aad ugaga sii warrami doonaa, horumarka aanu ka samaynay dadaalkaygaas aan kor ku xusay iyo arrimo kale oo ammaanka khuseeya.

 

Exit mobile version