WAJAALE NEWS

Gudi Golaha Guurtida ah Oo Uu Hogaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Ayaa Ku Sugan Magaalada Caynabo oo ay u Tageen dhexdhexaadinta Laba beelood,

CAYNABO (Wajaalenews) waxaa maalmihii udanbeeyay qabanqaabada shir lagu heshiisinayo laba beelood oo walaalo ah ka socdaa magaalada Caynaba ee gobolka Saraar waxaana ku sugan magaaladaasi waftiyo kala duwan kuwaasi oo ka kala socda xukuumada galaha guurida iyo xubno ka kala socda beelihii ay dirirtu ka dhaxaysay.

Waxa magaalada caynabo ku sugan gudi golaha guurtida ah oo uu hogaaminayo SULDAAN ISMACIIL SULDAAN CABDIRAXMAAN Oo kamida madaxdhaqameedka somaliland ismarkaana ah xubin katirsan golaha guurtida mudooyin badan ka soo shqaynayay dhexhdexaadinta beelaha reer somaliland ee dirirtu dhexmarto.

gudidan oo u tagtay shaqaaqo ka dhex dhacday labada beelood ee kala ah jaamac siyaad iyo sacad yoonis

Waxaanay gudidu gaadhay caynabo 15/08/2015 waxaana socda qabanqaabadii furitaanka wadahadalada iyo dejintii ergooyinkii wadahadalka uga qaybgelilahaa labada beelood ee khilaafku ka dhexeeyo iyadoo gudiga dhexdhexaadinta ee golaha guurtidu u sheegtay in ay noqdaan tirada ergooyinka labada beelood dhinacwalba 21 xubnood tirada guudna ay noqonayso 42 xubnood

Exit mobile version