WAJAALE NEWS

Farshaxan Aamin Caamir Oo Sawir Ku Muujiyay Xaalka Xasan Sheekh Ee Mooshinka

Muqdisho(Wajaalenews) -Xiisad siyaasadeed ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho kadib markii xildhibaanno ka badan 90 shir guddoonka baarlamaanka hor dhigeen mooshin xilka lagaga xayuubinayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukumaddiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo xafiiskiisa saxaafadda kula hadlay ka dib mooshinka ayaa iska difaacay eedaha mooshinka loo cuskaday oo ay ka mid ahaayeen ku tumasho dastuurka ah, Musuqmaasuq, amni darro, maroorsi awoodeed iyo qodobo kale.

Xasan Sheekh oo waxqabadka xukumaddiisa ee dhinaca ammaanka ka hadlaya ayaa yidhi  “Markii Dowladda ay Talada Qabatay Sannadkii 2012-kii, Gacanta Dowladda Waxaa ku jiray deegaanno kooban, haatanna waxay Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ay ku guda jiraan soo dhicinta goobaha yar ee weli ay ku hadhsan Gacanta Al-shabaab.”

Waxa uu intaasi raaciyay “ Baarlamaanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo, Guulaha la gaadhayna waxaa sal u ah Wadajirka iyo Wada-shaqeynta hay’adaha DF. Waqtiga noo hadhay aad buu u kooban yahay, waxaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel-marinta Hiigsiga 2016. Muddadaas yar ee aan haysano kuma filna inaan is-qabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno,’’

Exit mobile version