Hargeysa,(Wajaalenews) Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa dalka keentay dad lagu qiyaasay ilaa 40 qof oo ah dad Soomaaliyeed oo laga soo mastaafuriyay dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya.
Sida ay u sheegeen wajaalenews ilo xogogaal oo ku sugnaa Madaarka Hargeysa,
Dadkan ayay Boqortooyadda Sucuudigu u mastaafurisay dalka SOmalia, balse la keenay Somaliland, isla markaana ay xukuumadda SOmaliland aqbashay in dalka lagu soo dejiyo.
dadkan ayaa maanta laga soo dajiyay madaarka cigaal
waa markii ugu horeysay ee ay xukuumadda Somaliland aqbasho dad laga soo mastaafuriyay dalka boqortooyadda Sucuudi Carabiya, balse dadka ay Boqortooyadda Sucuudigu soo mastaafuriso waxa la geyn jiray dalka SOmalia, laakiin aqbalaadan ayaa laga cabsi qabaa inay furto wado cusub oo ay boqortooyadda sucuudigu dad badan u soo mastaafuriso.
haddaba, mar aanu Isku daynay in aan wax ka weydiino taliyaha laanta socdaalka ee madaarka ayaanay noo suurto galin In aan helno.
Wajaalenews desk
Hargeisa office
Email;wajalenews@gmail.com