WAJAALE NEWS

Akhri:Nuxurka Saddex Qodob oo Xisbiga UCID Soo Jeediyay Si Doorasho Dalka uga dhacdo 2017ka.

Hargeysa(Wajaalenews) Xisbiga Mucaaridka UCID ayaa sheegay inuu aqbalay qaraarka maxkamada sare ku mudaysay wakhtiga doorashada madaxwaynaha,Kuxigeenka iyo wakiilada.

Guddoomiye Ku Xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in xisbiga Ucid Aqbalay go’aanka maxkamada Dastuuriga, isla markaana Saddex Qodob ku xidhay in la dhameeyo intaan doorashada la gaadhin si ay suurta gal u noqoto inay doorasho dhacdo March 2017ka.

Mujaahid Cali waxaa uu baaq u diray madaxwaynaha Somaliland isagoo carabka ku dhuftay in xukuumada hada joogtaa aanay diyaar u ahayn doorasho dalka ka dhacda, isla markaana loo baahanyahay in la sameeyo xukuumada ka daacada doorashada.
Halkan Hoose ka akhri 3 Qodob ee xisbiga UCID Ku iftiimiyay in hadii la fuliyo doorasho dalka ka dhacayso 2017ka.
1. Waa in la soo dhamaystiraa dhamaan wixii shuruuc ah ee qabyo ah ee khuseeya doorashooyinka oo dhan wakhti ku haboon oo ay soo galaan gacanta guddida doorashada oo aanay jirin wax khuruuc ah oo ku danbeeya meel kale.

2, Guddida doorashooyinku waa inuu curiyaa dhamaystiraana khariirada tubta loo marayo doorashada oo wadata qorshe hawleedyadeedii oo dhan, oo hawl kasta wakhtiga la qabanayo cida qabanaysa, waxa lagu qabanayo oo dhamaystiran ilaa maalinta la tagayo sanduuqa iyo warqada.

3.Xukuukadani sidan ay hada tahay waxaanu u naqaanaa doorasho diid, sadexdii sanadood ee ugu danbaysay marka aanu eegno waxay doorashada ku ahayd hagardaamo, fursad walba oo ay doorasho ku qabsoomi karaysayna iyada ayaa masuul ka ahayd inay disho, waxaanu madaxweynaha ugu baaqaynaa in la helo xukuumad lagu wada kalsoonaan karo inay dalkan gaadhsiin karto doorashooyin xor iyo xalaal ah wakhtiga ay maxkamada dastuuriga ahi cayintay.

Qodabadaada Waxaanu u leenahay in hadii la dhamayn waayo ka hor wakhtiga doorashada la cayimay aanay doorasho qabsoomayn.”sidaas ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Xisbiga UCID ayaa isagu sheegay in go’aanka si kasta oo uu yahay ay ku liqayaan duuduub, iyagoo carabka ku adkeeyay inuu wax wayn u dhimi doono dimuqraadiyada somaliland.

 

 

Exit mobile version