Wasiirka Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir Ayaa Casuumad Afura u sameeyay qurba joogta Gobolka gabiley gaar ahaan deegaanka Allaybay oo uu wasirku kasoo jeedo.Waxaa sidoo kale si lama filaan ugu yimid uga soo qayb galay muuse biixe maaxase kala qabsaday muuse biixi qurba joogta reer allaybaday?
Hargaysa(Wajaalenews) kulankan afurka ah oo dhacay Caawa Magaalada Hargaysa gaar ahaan Huteel Maansoor ayaa waxaa soo agaasimaya wasiirka beeraha maxamed aw daahir waxa kulankan afurka ah isna kasoo qaybgalay gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo markii hore loo sii sheegin qurba joogta uu wasiirku casuumay.
Sida ilo xogogaala oo ka gaabsaday in magacoodu la xuso ayaa noo xaqiijiyeen wixii kala qabsaday qurba joogtii la soo casuumay iyo muuse biixi iyagoo kulanka ku sifeeyay mid shirqool ahaa dabana socday kulan afur ah oo wasiirkii hore maaliyadu ku qaabilay qaybo kamida qurba joogta reer Allaybay
Ugu Horay waxaa madasha ka hadlay wasiirka beeraha oo xiligaa sharixi kari waayay ujeeda kulankan maadaama cid marka hore ku jirin qorshaha kulan oo ahaa is xogwaraysi beesha iyo wasiirkooda ahaa
Wasiirka ayaa isagu yeeshay in ujeedada kulanku ahaa sidii taageero llogu muujin lahaa gudomiyaha xisbiga kulmiye.
Goobta ayaa waxaa ka bilaabantay dood adag oo su,aalo darandoriya loogu ganay muuse biixi cabdi
iyadoo ay sheegeen in ayna iyagu ahayn golihii dhexe ee xisbiga kulmiye ujeedo arin loo waydiiyaana ayna jirin
Hadaba Qaarkamida su,aalihii muuse biixi uu saska ka qaaday ayaa waxaa kamida kuwan
muusow nin gadobo badan laga tirsanyo ayaa tahay sideed ugu kalsoon tahay in aad bulshada cod ka heli karto?
Su,aal kale muusoow tartanka xisbiga kulmiye wuxu ka dhexsocdaa sedexdiinan markaa dee midba meel ka qudbadaymaayeen tartan ma ogo shahay adigu ?
Su,aalahan iyo Qaarkale oo lawaydiiyay ayaa muuse biixi midna uga jwaabin si saxa
dhinaca kale muuse biixi ayaa ku doday in uu beeshan reer allaybaday uga baahan yahay taagero
Afurkan ayaa sida wararku tibaaxen kusoo dhamaaday natiijo la.aan
Kulankan ayaa daba socday kulamo uu maalmihii udanbeeyay la lahaa wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale qaybo kamida qurba joogta deeganka gabiley iyo guud ahaanba qurba joogta beesha sacad muuse usamaynaya maalmahan kaasi oo ay sas xoogan ka qaadeen muuse biixi iyo xubno taageera.
iyadoo caawa lah teeda uu kulan lalahaa qaybo kamida qurba joogta reer SWEDEN IYO BRISTOL
HARGAYSA OFFICE
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM