WAJAALE NEWS

Wasiir Xirsi Oo ka fal celiyay Eedihii Uu kula Dul Dhacay Wasiirkii hore A,Dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Muxuuse Ka Yidhi Warqadii sirta Ahayd Ee La Faafiyay

Hargeysa (Wajaalenews) Wasiirka adaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay jiritaanka war maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo ah in Xukumadda Siilaanyo heshiis midnimo la saxeexatay Somalia.

Warqadda Sirta ah ee arrintan lagu sheegay oo maalmihii u dambeeyay saxaafaddu baahinaysay kadib ayaa mucaaradka Somaliland maanta shir jaraa’id ku sheegeen in warqaddaasi tahay mid rasmi ah oo ku taariikhaysan February 2012, Waxaana saacado kadib eedaha mucaaradka qoraal soo saaray Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka Wasiir Xirsi Wuxuu U Dhignaa sidan:-

“Waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyey warbaahinta qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr Mohamed Abdilahi Omer aan dusha u saaray!

Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uuga falcelinayaa si aan bulshada uugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya!

Hadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “Video” uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi!

Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda “Customers” isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan

Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa:

“Qof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo”

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ” كفى بالمرء كذبا أن يحدّث بكل ما سـمع

Ugu dambayn waxaan leeyahay Qaranka Somaliland Qosol ku Jab maaha, Qoraal aanan Qorina Qofkii iska Qortay ayuu Qawl xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.”

 

Exit mobile version