WAJAALE NEWS

Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Hargeisa(wajaalenews)-Manta oo jimce ah wax waa kuwan wixii aanu warar idiinka haynay ee suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada ama hadaynu si kale u dhigtoo waa kuwan rabitaanka kooxuhu ay rabeen ciyaartoyada.

Manchester United ayaa ka dalbaneysa West Brom 10 milyan ginni oo ku aadan daafaca diirada u saaran ee Jonny Evnas. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa si weyn u dooneysa inay la soo wareegaan weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ka dib markii ogolaadeen inay iska iibiyaan weeraryahanka reer Holland Robin van Persie. Waxaana ay xiddiga Jarmalka ku doonayaan 60 milyan ginni(Daily Star)

Chelsea ayaa ku dhow inay dhameystirto saxiixa goolhayaha Stoke City Asmir Begovic oo ay kula wareegayaan 8 milyan ginni oo kaash ah oo uu la socdo xiddiga khadka dhexe ee Blues Marco van Ginkel oo amaah hal sanno ugu wareegaya Stoke. (Daily Mirror)

Manchester City ayaa ku dhow inay dalabkii seddexaad ahna kii ugu danbeeyay ka gudbiso Raheem Sterling iyagoo Liverpool u soo bandhigay 40 milyan ginni oo kaash ah iyo 5 milyan ginni oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedka ciyaaryahanka. (Daily Mirror)

Van Persie ayaa dhanka kale ku faraxsan inuu ka tago Old Trafford ka dib seddex sanno uu joogay sababtoo ah waxa uu sheegay inuu dareemayo inay kooxda qiyaameysay. (The Sun)

Louis van Gaal ayaa doonaya inuu ka tago David de Gea iyo Robin van Persie marka ay Manchester United u baxeyso Mareykanka, si uu diirada u saaro kaliya ciyaartoyda kooxda la sii joogeysa xilli ciyaareedka danbe. (Daily Mirror)

Halyeeyga Chelsea Didier Drogba ayaa wadada u saaran inuu raaco Steven Gerrard iyo Frank Lampard oo uu ku biiro horyaalka Mareykanka. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa si weyn u dooneysa inay la soo wareegaan weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ka dib markii ogolaadeen inay iska iibiyaan weeraryahanka reer Holland Robin van Persie. Waxaana ay xiddiga Jarmalka ku doonayaan 60 milyan ginni(Daily Star)

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud.

Exit mobile version