WAJAALE NEWS

Afhayeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Gabiley Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalo Kaso Yeedhay Badhasaabka Gabiley,Wasiirka Beeraha.

Hargaysa(Wajaalenews) Eng Daa,uud Abiib Axmed oo kamida masuuliyiinta xisbiga wadani ee gobolka gabiley islamarkaana ah musharaxiinta u tartami doona doorshada golaha wakiilada Ee  soo socota ayaa wax laga xumaado ku Tilmaamay hadalo maalmihi udanbaysay kasoo yeedhay qaarkamida xukuumada siilaanyo kuwaasi oo kala Ah Badhasaabka Gabiley  o ku fanay in uu gabi ahaanba gobolka gabiley ka tirtiray mucaridkii xili uu shaqadiisii kaga mashquulay dalxiista magaalada ceerigaabo iyo safar uu marwalba ku tago Dalka UK

Waxa kale oo uu isna fariin u diray wasiirka beeraha oo hadalo deelqaafa kaga hadlay gabiley kuna duray Asxaabta mucaaridka.

Hadaba ENg Daa,uud oo Arimahaa ka Hadlaya ayaa wuxu yidhi

Ramadaantaa Ayaa lagaaga xishoonayee hadaad adigu ka xishoon wayday cida aad gacanta adag ku muquuninaysaa hadii ay yihiin mucaaridka isbadeldoonka ah Iyo bulshada aad warkanka  usoo bandhigtay iyo faankaagan qaawan.

Agoomada marwadu wax siinayso iska daayoo maxaad qabateen idinku waa waxaan jirin mucaaridkaad kabaha ladulmartayna Adaa Sheegi iska cadayso digtaatooriyadaad ku faanayso waxaa jira   dad afka iyo gacanta isku hayaan waxaad samayseen. oo ka cishooday in ay bulshada usoo bandhigaan

Dhanka kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Hadal kasoo yeedhay wasiirka beeraha Dr

Wasiirka waxaan leeyahay isku Maahmaahe looma Maahmaaho Wasiir Adigaa Kasoo Asaleeyay Iscasilaadii SAMAALE Waxaana jawaab kuugu filan wasiir ASALO AH Oo aanay is Aqoon dadka uu wasiirka u yahay .

Exit mobile version