HARGAYSA(Wajaalenews) kaalinta shidaal ee TOTAL oo ku taala Xafaada shacabka ee magaalada hargaysa ayaa xalay niskii danbe Canbaaro 3sedexdii habeenimo uu ka kacay dab xoogani kaasi oo sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ahi uu sobabtay booyad shidaal ku shubay kaalinta taasi markii danbe gabi ahaanba ay ku shuf beeshay booyadiina goobta.
kaalinta ayaa waxaa gabi ahaanba gudbay qabtii super marketka iyo agab kale oo kaalintu lahay
Kaalinta uu leeyahay ganacsade cabdirashiid oo ah hantiilaha kaalinta ayaanay noo suurto galin in aanu waxka waydiino khasaaraha soo gaadhay hantidiisa
Dhanka kale ciidamada dabdamiska ayaa dadaal badan oo ay sameeyeen ku guulaysaty in ay badbaadiyaan qaybo kamida kaalinta oo ay kamid tahay haamihii shidaalka oo hadii u dabku gaadho gaysan lahaa khasaare balaadhan samayna ku yeelan lahaa guud ahaan bulshada ka og dhaw
Sikastaba ha noqotee waxaa mudooyinkii danbe kusoo badanaya magaalada hargaysa dabka oo ka kaca guryo iyo goobo ganacsigba iyadoo ay dadaal xoogan ugu jiraan la tacaalidiisa ciidamada ka hortaga aafooyinka dabka