WAJAALE NEWS

Dhismaha Biriijka Saddexaad Ee Caasimadda Oo La Bilaabay iyo Shirkada Dhismaha Ee Jano Gale Oo Ku Guulaysatay.

bedar1(1)Hargaysa(Wajaale News):-Biriijkii saddexaad ee laga hir-galiyo caasimada somaliland ee hargaysa ayaa saaka laga bilaabay dhinaca bari ee magaalada hargaysa.

Shirkada dhisaysa biriijkan oo ah jano-gale construction copany oo tartan ugashay sidii ay uhanan lahayd dhisada biriijkan oo ku guulaysataya ayaa saaka dhismihiisa ka bilawday fooqa jajabka ee magaalada hargaysa,waxaana ay sheegtay in ay mudo kooban ku dhiso doonto biriijkan.

Engineerka dhisaya ayaa waxa uu sheegay biriijkani inuu yahay kii saddexaad ee laga hir-galiyo hargaysa waxaana uu carabka ku adkeeyey inuu ka dhigi doono biriij caalami ah oo la talaabsaday kuwa caalamka.

Mashruucan lagu dhisayo ayaa waxa bixisay Haay’adda islaami ah oo ka dhisan dalka Qadar Taas oo Magaceeda la yidhaa RAF oo Soo wakiilatay Jaamacada Bedar Iyo Man-Hal.

Ugu horen waxa ka hadlay qaabka ay ugu warhayaan ka dawlada hoose ahaan agaasimaha dawlada hoose ee arimaha bulshada waxaana uu sheegay in ay guul wayn utahay haduu biriij saddexaad kusoo kordhay caasimada hargaysa waxaana uu yidhi”

Maanta waxa farxad wayn noo ah in ay noo bilaab matay hawshii biriijka fooqa jajabka ee uu maayarka caasimada hargaysa dhagax dhigay bishii dhamaatay intii uu socday mashruuca dhismaha birijkan oo ay maal galisay haay’ada Raf oo ka dhisan dalka QADAR isla markaan deeqdaasi ay soo martay jaamacda bedar iyo man-hal,maantana aynu  bilawnay gun-dhigii ugu horeeyey ee biriijka.

Agaasimahu waxa uu mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha biriijkan waxaana uu baaqa udiray bulshada ku qubtay qashinka waxaana uu yidhi”waxaan umahad naqayaa dhamaan haay’adda raf iyo jaamacada bedar iyo man-hal oo dhamaan toodba aan oran karo waxa ay ka gaysteen gacan wayn sidii uu u dhismi lahaa biriijkani,waxaana uga digayaa dooxa iyo meelkasta in ay bulshadu ku shubto qashin iyo biyaha aan nadiifta ahayn waxaana usoo jeedin lahaa cid kasta oo arimkaasi isku dayda in lala tiigsan doono sharciga.

Isna waxa halkaasi ka hadlay Engineerka dawlada hoose waxaana uu yidhi”maanta waxa aynu dhexe taaganay badh-tamaha dooxii waynaa ee magaalada hargaysa,biriijkan aynu maant asaaskiisa wadno waxa uu waxa wayn ka tari doonaa bulshada iskaga talowda xaafadaha aynu maanta utaagayno biriijkan,markaas meelaha aanu calaamadina waxaan bulshada usoo jeedin lahaa haday bilaab-matay hawshii biriijku in sida ugu dhakhsaha badan uga guuraan hadii kala waxa caqabad inagu noqon doona inuu roobku inaga soo gaadho.

Waxa isna halkaasi ka hadlay jaamac oo ka wakiil ah haay’adda raf kana masuul ah jaamacada badar waxaana uu yidhi”kolay sidaas la sheegay bil ka hore ayaa halkan la dhagax dhigay ujeedada loo dhisay biriijkuna waxa uu ahaa culayskaas ka dhexe jira suuqa inu kala yareeyo kaaso oo noqonaya biriijkii saddexaad meel wanaagsana waa uu ku yaala oo santarkii suuqa ah aniga kaa haayada ahaan iyo  masuuliyiinta haayada raf waxa noo farxad ah in ay bilaab-matay hawshii anuu qorshaheeda lahayn.

Gaba-gabadii waxa ka hadlay shirkada dhisaysa Eg, Cabdi Basiid Jano-Gale oo ah  Khabiirka Dhisaya biriijkan Kana Socda Shirkada jano-gale construction copany oo ku guulaysatay tartankii ay u gashay dhismaha biriijkan”

Shirkada dhisaysa biriijka saddexaad oo ah shirkada jano-gale construction copany runtii shirkadaasi khibrad badan ayey uleedahay dhisida biriijyada,maata waxaanu  gacanta saarnay bilaw-giisii biriijkan hadana waxa ka socday nadiifintii oo laga gurayo qashinka,kolaya biriijkani waa kii saddexaad ee laga dhiso magaalada hargaysa dooxanina waxa uu hada yeelan doonaa saddexe biriij,waxaana mahad naqa gaara siinaynaa mux-siniinta bixiyey aduunka lagu dhisayo biriikan.

Hortu ka shirkada ahaan angu waxaanu u dhisi doonaa qaab casri ah oo la talaabsanaya kuwa loo dhiso caalamka oo kalaa shirkadanina waxa ay noqotay shirkada ku guulaysatay dhismaha biriikan oo tartan loo galay waxaana rajaynayaa inuu noogu dhamaado si wanaagsan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version