WAJAALE NEWS

Van Gaal Oo Dhaleeceen Dusha Kaga Tuuray Bastian Schweinsteiger Iyo Qaar Kamid Ah Ciyaartooydi Kulankii Xalay Ee United Amaanayna Hal Ciyaaryahan.

Hargeisa(wajaalenews)-Louis van Gaal ayaa eed dusha kaga tuuray saxiixiisa cusub ee Bastian Schweinsteiger iyo asxaabtiisi qeybti labaad ee ciyaartii ay Manchester United 3-1 ku martay kooxda San Jose Earthquakes ee ka dhacday gobolka California.

United ayaa gaadhay guusheedi labaad ee kulamada saaxibtimo ee xagaaga kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda heerka sadexaad kaga jirt horyaalka Mareykanka ee MLS kadib goolal ay ka kala heleen Juan Mata iyo Memphis Depay oo goolkiisii ugu horeeyay ee United ah dhaliyay iyo da’yarka Brazilian ka ah ee Andreas Pereira.

Laakin midaas ayaana u muuqan mid qancisay Van Gaal isagoo si kulul u eedeeyay xidigihiisi ciyaraya qeybti labaad ee ciyaarta oo uu ku jiro saxiixiisa cusub ee Schweinsteiger wuxuuna yidhi:- “Qeybti koowaad waxaan u ciyaarnay si fiican, waxaan rabnay isku xirnaan daafac waana ay sameeyeen sidoo kale fursado ayeey abuureen, malaha 10, waxay dhaliyeen labo gool, sidaa darted waan qanacsanaa”

“Laakin qeybti labaad waxaan u ciyarnay six un, waxaan luminay kubado badan oo aan loo baahneyn, waxaa jiray kaliya hal shey oo la daawado wuxuuna ahaa goolki Pereira, haa ma aanan siinin fusado badan laakin waxaan luminay kubado badan, halis ayeey aheyd taas marwalibana waan ka digaa, qeybtii koowaad khadkeena dhexe ma uusan wanaagsaneyn”

Saxaafada afka dheer ayaa weydiisay Van Gaal inuu qiimeyoo qaab ciyaareedkii Schweinsteiger, laakin kama uusan xishoon xitaa inuu runta sheego wuxuuna yiri “Isaga xataa wuu xumaa, ciyaartooyda six un waa ay u ciyaari karaan marka ay kaliya sadex ama lix maalmood ay tababaranayeen oo ay ciyaaraan kalia 45 daqiiqo, cid waliba waxay moodaa wax sahlan laakin ma aha wax fudud, isaga (Schweinsteiger) si fiican ayuu u ciyaaray kulankii hore, laakin xaalada ayaa sidaa iska ah.”

Hargeisa office

Wariye Abuu Maxfuud

 

Exit mobile version