WAJAALE NEWS

Ujeeddada Sahamin Qaramada Midoobay ku samaysay Maxaabiis ku Xidhan Saddex Xabsi oo Jeelka Dhexe ee Hargeysa ku jiro iyo Natiijada ka soo baxday

Nairobi, (Wajaalenews)- Sahamin loogu talo-galay sidii loogu kuur-gali lahaa isla markaana macluumaad tixraac u noqda la-dagaalanka budhcad-badeedda, ayaa laga fuliyey Xabsiyo ay ku jiraan maxaabiis budhcad-badeed ah oo uu ku jiro Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

Xabsiga Dhexe ee HargeysaSahamintan oo ay wada-jir u sameeyeen Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka mukhaadaraadka iyo dambiyada (UNODC) iyo urur lagu magaaabo Oceans Beyond Piray (OBP), ayaa su’aalo lagu weydiiyey maxaabiis loo haysto dambiyo la xidhiidha budhcad-badeednimo kuwaas oo ku jira Xabsiyo ku yaalla magaalooyinka Hargeysa ee Somaliland, xarunta ganacsiga maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo Montagne Posee ee waddanka Seychelles.

Sida lagu baahiyey shabakadda Defenseweb oo ka faalloota arrimaha gaashaan-dhigga ee qaaradda Afrika, Waxa ujeeddada sahamintan lagu sheegay mid lagu unkayo hab-dhaqanno suurto-galinaya in xogo dhammaystiran laga helo maxaabiista u xidhan fal-damiyeedka budhcad-badeedda iyo sidii loo heli lahaa talooyin la xidhiidha farsamo kasta oo lagu cidhib-tiro karo sii jiritaanka budhcadbadeedda.

Dhinaca kale, “Sahamintan iyo natiijada ka soo baxday waxa ahaayeen qaar diiradda lagu saarayey waxyaabaha ay maxaabiistu raallida ka tahay inay u gudbiyaan UNODC, manay ahayn sahamin dhex-dhexaad ah. iyadoo digtoonidaasi jirto, haddana waxa laga helay sahankan arrimo khuseeya oo la xidhiidha hawlaha ay qabato UNODC iyo hawl-gallada lagula dagaalamo budhcad-badeedda,” Sidaas waxa yidhi Conor Seyle oo ah khabiir ku xeel-dheer cilmi-baadhista oo ka hawl-gala hay’ad lagu magacaabo One Earth Future Foundation oo gacanta ku haysa mashruuca la dagaalanka budhcad-badeedda adduunka oo loo yaqaanno Oceans Beyond Piray (OBP).

Waxa sahamintan lagu weydiiyey maxaabiista inay soo bandhigaan waxyaabaha ku dhiirrigeliyey inay ka qawlaystaan biyaha badweynta Hindiya, haddii ay ogyihiin dad iskood uga baxay budhcad-badeednimada iyo waxa ay qorshayaashoodu ahaayeen ka hor inaanay ku dhaqaaqin budhcad-badeednimada. Waxa kale oo maxaabiista budhcad-badeedda la weydiiyey dedaallada ugu habboon ee lagaga hortagi karo budhcad-badeednimada iyo waxyaabaha ay filayaan in mustaqbalka lagu dabar-jaro budhcad-badeedda.

Natiijada ka soo baxday sahamintan, ayaa la sheegay in lagu ogaaday in ujeeddada ugu weyn ee dadka ku shaqaysta budhcad-badeednimadu tahay dhaqaale-raadis. Waxa kale oo natiijada ka soo baxday sahaminta lagu ogaaday in dhalinyarada iyo ragga budhcad-badeedda ku biiray ay ku kalliftay iyagoo ka dhiidhiyey kalluumaysi sharci-darro ah oo Maraakiib iyo Doonyo shisheeye ahi ka fuliyaan xeebaha Soomaaliya.

“Qoyskaygu waa Sabool, taasina waa sababta aanu ugu biiray budhcad-badeeda,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah budhcad-badeedda lagu su’aalaha la weydiiyey.

Waxa kale oo baadhistan su’aal lagu weydiiyey nin hore ugu mid ahaan jiray budhcad-badeedda balse markii dambe ka tagay, isagoo sababta markii hore uu uga baxay ku sheegay inuu gacanta ku dhigay lacag ku filan oo uu ka helay, halka qaarkoodna sababta ku kalliftay inay ku biiraan ku sheegeen in kalluumaysiga sharci-darrada ah ee waddamada shisheeyey ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya ku kallifeen inay noqdaan budhcad-badeed, haddii taas waxba laga qaban-waayana ay sii socon doonaan hawl-gallada budhcad-badeeddu.

Maxaabiista oo qaarkood la weydiiyey haddii ay garanayaan qaar asxaabtooda ka mid ah oo isaga baxay budcad-badeedda sababtaaha ugu waaweyn ee ku dhiirri-geliyey inay iska joojiyaan, ayaa sheegay inay u joojiyeen cadaadis kaga yimi qoysaskooda iyo bulshada ay la nool yihiin ay ahaayeen waxyaabaha ay tixgeliyeen ee ka saaray xirfadda budhcad-badeedda, balse waxa ay caddeeyeen in hawl-gallada lagula dagaalamo budhcad-badeedda ee ciidamada dalalka shisheeya ka fuliyaan badweynta Hindiya ay sii dhiirri-geliyeen budhcad-badeedda.

Maxbuus kale oo la weydiiyey sida uu arko xaaladda nololeed ee Xabsiga uu ku jiro, ayaa ku jawaabay,

“Xabsigu waa meesha ugu xun ee lagu noolaado”. Halka qaar kale oo la weydiiyey sheegeen in xabsigu yahay meel cabsi leh oo lagaga hortagi karo hawl-gallada maxaabiista.

Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa oo Qaramada Midoobay dayac-tir iyo caysriyeyn ku samaysay sannadii 2010kii oo la furay, isla markaaan ay ku baxday lacag gaadhaysa 1.5 Milyan oo Dollar, ayaa hoy u ah Maxaabiis loo xukumay fal-dambiyeedyo budhcad-badeednimo loo haystay, kuwaas oo ciidamada shisheeye ee hawl-galka la-dagaalanka budhcad-badeeddu ka qab-qabteen xeebaha dalkaasi Soomaaliya, waxaana markii u horeysay maxaabiis lagu soo maxkamadeeyey, laguna xukumay dalka Seychelles ee qaaradda Africa lagu soo wareejiyey Somaliland sannadkii 2012-kii, kaas oo qayb ka ahaa heshiis dhex-maray dowladda Somaliland oo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Maan-dooriyeyaasha iyo Dambiyada (UNODC).

 

 

XIGASHO.Himilomedia.com

Exit mobile version