WAJAALE NEWS

Suldaanka Guud ee Qurba Jooga Somaliland Oo Ka Hadlay Falkii lagula kacay Xildhibaan Xasan Cawaale Fariimona Udirey Qurba jooga gabiley iyo Sool

Hargeysa(Wajaalenews)-Suldaanka Guud ee Qurba jooga Somaliland Suldaan Cabdilaahi Cusmaan Aw Xasan oo dhawaan dalka Somaliland soo gaadhey, kadib markii uu kasoo baqoolay Adminton ee Wadanka Canada oo fadhigiisu yahay, waxaanu markii u horeysay ka hadley qurba jooga Somaliland iyop doorka ay ku leeyihiin dhismaha iyo hurumarka dalka isagoo sigaar ah ugu bogaadiyay Qurba jooga kasoo jeeda Gobolada qaarkood kuwa kalena dhaliilo ugu gudbiyay sida ay uga haraadan yihiin Deegaanadoodu.

Suldaan Cabdilaahi Cusmaan Aw Xasan Suldaanka Guud ee Qurbajooga Somaliland oo sigaar ah ugu waramey Shabakada Wararka hadhwanaagnews waxa uu kale oo ka hadley islamarkaana, cambaareeyay talaabadii lagula kacey Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan isagoo xusey in aanay ka hadalka arintani ka aheyn Siyaasad haseyeeshee, uu Xukuumada ka codsanayo in laga

 

daba tago islamarkaana, Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka muujiyaan ficilkii uga banaanaa talaabada lagu kala kacay Xildhibaanka dhigooda ah.

“Marka hore waxaan u mahad celinayaa Guud ahaanba shacbiga Somaliland iyo xukuumadaba iyo dhamaanba quraba joogii iyo dhinacyadii igu soo dhaweeyay dalka Somaliland ee igaga horyimid Madaarka Caasimada Hargeysa, waa mid aan aad ugu faraxsanahay,oo aan ka mahad celinayo sida qiimaha leh ee aad ii soo dhaweyseen,walaalkey Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan wixii ku dhacay aad iyo aad ayaan uga xumahay waxa uu kamid ahaa Xildhibaanadii isoo dhaweeyay ee garabkeyga taagnaa runtii dad badan oo kamid ah qurba jooga Somaliland ayaa isoo weydiiyay oo igu yidhi maxaa ku dhacay Xildhibaan Xasan runtii anigu mar hadaan Suldaan ahay wax Siyaasad ah gali maayo waxaanse leeyahay aad iyo ayaan uga xumahay saaxiibkey jugahaa la gaadhsiiyay waxaanan leeyahay Xukuumada waa in talaabo laga qaado arintaasi, Xildhibaanada dhigiisa ahna waxaan leeyahay ixsaanada waad wada leedihiin idinkuna jawaabteeda waa inaad bixisaan, oo ka hadashaan Xildhibaankana waxaan leeyahay allaha haku caafiyo waanan idiin soo duceynayaa waxaanan leeyahay illaahay haku caafiyo”Ayuu yidhi Suldaan  Cabdilaahi Cusmaan Aw Xasan Suldaanka Qurbajooga.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa

 

“Waxeynu kujirnaa habeenadii ugu kheyrka badnaa ee bisha barakeysan ee Ramadaan waxaan leeyahay horta umada Reer Somaliland guda iyo dibadba Ramadaan Kariim maadaama ay laba ilaa sadex cisho ay inooga hadhey oo Ciidal fidrigii fooda inagu soo hayso waxaan idin leeyahay umada Reer Somaliland guda iyo dibadba ha sa saamaxaan ha duceystaan oo barwaaqo calool fayoobi alla bari iyo cibaado haku gaadhaan Ciida Soomaalida kale iyo Muslimiinta dhamaantoodna sidaa si lamid ah ayaan illaahay uga baryeyaa waxaanan gaar ahaan halkan uga duceynayaa Qurba jooga Reer Somaliland ee dedaalaya ee dalkooda dhisanaya kana qeyb qaadanaya dhismaha iyo hurumarka dalka waxaan leeyahey ilaahay ciidaa inagu soo beegan ciideeda ha inagu gaadhsiiyo nabad iyo caano caafimaad iyo cimri dherer Ciid Mubaarak ayaan idin leeyahey walaalayaal”Ayuu yidhi Suldaanku.

 

Gabagabadii Waxa uu Suldaanka Guud ee Qurbajooga Somaliland dardaaran u gudbiyay qurba jooga Somaliland isagoo ujeediyay in ay dalkooda usoo dedaalaan meel kasta oo ay joogaan isagoo sigaar ah u dardaarey qurba jooga Gobolada Sanaag,Sool,iyo Gabiley.

“Meel kasta oo ay joogaan Qurba jooga Somaliland waxaan leyahay sharaf iyo magac ayaad ku leedihiin hurumarka iyo dhismaha dalkiina dedaala oo haka gaabinina, waxaan halkan dardaaran uga soo jeedinayaa Gobolka aan kasoo jeedo Qurbajooga kasoo jeeda ee Gabiley waxaan leeyahay waad gaabiseen oo aad ka gaabiseen Somalilandta inta kale ee dedaala oo lamid noqda Qurba jooga kale iskuulkii Qalax ee Timacade wuu baaba,san yahay Arimihii Bulshada kama muuqataan ukala eexan maayo dalka,e waxa lamid ah oo aan sidaa sida lamid ah u dardaarayaa Qurba jooga Gobolada Sanaag iyo Sool,iyo Salel waxaan leeyahay ka qeyb qaata dhismaha iyo hurumarka oo Goboladiina wax usoo qabta lana mid noqda kuwa aan halkan uga mahad celinayo ugana hambalyeynayo doorkooda oo ay kamid yihiin Qurba jooga Togdheer,Awdal,Saaxil,Maroodi-jeex, iyo Hawd”Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Suldaan Cabdilaahi Cusmaan Aw Xasan Suldaanka Qurba jooga Somaliland.

Suldaanka Qurba jooga Somaliland oo dalka ku sugnaa mudo kooban ayaa ka mabsuudey mudadii uu dalka joogay doorka Shacbiga Somaliland ay kaga jiraan hurmarka dalka.

 

Exit mobile version