Hargeysa (Wajaalenews )- Fanaannada caanka ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) oo ka mid ahayd xubnaha miisaanka leh ku jira xisbiga mucaaridka ah ee WADDANi ayaa shaaca ka qaaday in ay gebi ahaanba iska casishay xubinimadii iyo ka mid ahaanshihii xisbiga WADDANI.
Muj. Sahra-Halgan oo goor dhawayd soo saartay War qoraal ah oo ay ku saxeexan tahay oo ay ku socodsiisay guddoomiyaha WADDANi waxa ay sheegtay in maanta laga bilaabo ay ka baxday xisbiga WADDANI sababo iyada u gaar ah awgeed. Qoraalka Marwo Sahra Halgan oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan: