Waxa madaxweyne Siilaanyo Taariikhda u gashey waxyaabo badan balse waxa ugu mihiimsan ee lagu xasuusan doono ee taariikhdiisa ku ah barta maddow.
Waxayaabaha Maamulka Maddaxweyne Siilaanyo Loogu Tilmaamo mId ku haya Qabiil salka ama soo nooleyey Qabyaaladda ee Dadku Arkeen Baan Maanta idin Tusaya. Iyadoo Anan wax Af-lagaado ah iyo Buun Buunin ah ku Dareyn.
- Qodobka kowaad. Mashruucii ugu weynaa Dalka intii uu heyey xukunka Somailand la siiyey
Waxu aha Mashruuca Air-potka ee Dowladda kuwait Bixisey, Waxu siiyey wiil u adeer
U yahey. Ee lagu magacaabo Abdirizak Cumaani
- Daabacadda Lacaggta Somaliland ee Intii Xukumadda Siilaanyo jirtey isna waxa mar walba hor bodayey oo Dilaal aan Qarsooneyn, ka noqdey oo ilaa compnay soo dabaci jirey la yaabey markii
Hore, markii danbena lagu khasbey madaxda Bank inuu Soo fudeydinayo dacadda lacagta wiil uu adeer u yahey siilaanyo. Oo lagu Magacaabo. Daahir Abdi Jama. ´Meel walbana kaga faaney anigu somaliland.org abaalkeygii waan ka heley adeerkey
- waxa intii uu xukunta joogey maddaxweyne Siilaanyo Sameyey isku shaandheyn Golahiisa Xukumadda ah. Marnaba lama taaban Wasiiradda ey isku Beesha yihiin Madaxweyhne Siilaanyo.
- Madaxweyne Siilaanyo Bilowgii Xukumadiisa waxa Aas aas uga dhigey, Magac Somaliland ku cusub oo lagu magacaabo Cheif of Cabinet oo uu magacabey Xirsi. Xaaji cali Xasan.
Muddane. Xirsi waxu markiba isha saarey meel walba oo dhaqale ka soo gallo xukumadda.
Waxa markiiba Degdeg loola soo wareegey, Dekedda oo markii hore la hoose geyey wasaradda kalumeysiga iyo kheyraadka badda, basle inta Wasiirkiina la eryey ayaa. Madaxatoyadda la hoos keeney.
Waxaan halkan idinku tusaya qodobadda ugu mihimsan ee Madaxweyne Siilaanyo ku galley Kaambeynka Doorashadda ee uu odhan jirey waa xarana. Hadana intiiba markuu xukunka qabsaddey dib isagu ugu soo celiyey Madaxtoyadda iyo waliba qaar uu ku darsaddey
Waxa ka midda Melaha ilaha Dhaqaale ee Markiiba la hoos geyey Maddaxtoyadda:
ü In lacagta Dekedda la geeyo Maddaxtoyadda.
ü In lacagta Haamaha shidaalka la geeyo madaxtoyadda
ü In lacagta laga qaado max-jaradda la geeyo madaxtoyadda
ü In 2 percent goboladda bari lagu kabayo l a geeyo madaxtoyadda
ü In lacagta Gurmaddka Degdega ee milatryga la geeyo maddaxtoyadda.
ü In lacagta waddoyinka la Hoos geeyey, Madaxtoyadda
Intaasba waxa maamula wasiirka madaxtoyadda. Waxa halkaas ku cadd in dhamaan ey ka jiraan hanti badan oo lagu lunsaddey.
Waata keentey Maanta inuu xirsi ku faano inuu heysto 35 million oo dolarka mareykanka ah ku baano anigu lacag baan heysta ama xisbiga kulmiyaan iska sharaxi maddaxweyne ama xisbiga Ucidd baan ka iibsan Feysal. Gudomiye nimadda iyo Musharaxnimadaba.
- Waxaad kale oo iyana jira wasaradda Macdanta iyo Biyaha oo uu maamulo Xuseen Abdi Ducaale in uu ka qaadey shirkaddo badan lacag badan oo xaqal qalim ah. Kuwaas oo wasiirka Maaliyadda Maxahemd xaashi la isku seegey uu kuna waayey xilkiisii markii uu mar walba ka hadley. Waxa marwalba Mohamed xaashi sheegey in aan lacagtaasi ku so dhacin khasanadda Dowladda. Waxana lagu xidhey, wargeysyadii…Haatuf…& Hubaal
Waata keentey inuu Xuseen Gurey, ( Waji-Xun) uu Guri ka Gato Waddanka USA
- Wasiirka Duulista Mohamoud Xaashi Ayaa isna qeyb ka ah musuq-maqusa ugu weyn oo lunsaddey sidda ku cadd lacagta uu ka urursaddo dadka soo degaya airpotka. Waxana isaga u dheer oo cadaan ah. Lacagta lagu soo roggey passengerka Diyaradaha raacaya oo aan ku jirin Dakhliga lagu shubo wasradda maaliyadda oo uu isagu gaar u maamulo ama ku dhacdda jeebkiisa. Waata Keentey inu Mohamoud Hashi Guri ka Gatey, Bermighum UK
- Qodobka ugu daran ee dadka somaliland liqi kari wayey. Waxa weeye Safiirka loo magacabey Emaratka oo ah wiilkuu Sodoga u yahey siilaanyo Baashe Cawil oo lagu soo xasuusto Wiilkii uu Sodoga u ahaa
Siyaad Bare. Kaaso lagu magacaabi jirey ( MORGAN.) Hadana loo yaqano morganka somaliland. Intaas waxa dheer. Oo aan ciddina dafiri karin in baashe uu ku leeyahey dowladda dhexdeeda dhaqdhaqaaqyo xoogan. Oo ku fuliyo amaro aan wasiiraddu fulin karin
Waxa baashe ku qaatey Contract Filterka HAAMAHA SHIDAALka waxa uu ka qaada halkii foosto lacag gaadheysa dadka ganacsatadda ah ee ku shubta shidaalka hamaaha 7 dollar.
Oo aan ku dhacin dakhliga dowladda.
- Waxa jira wiilka kale ee uu maddaxweyen siilaanyo Sodoga u yahey, Muuse Xassan Yousuf inuu isna qaatey mashruuca SHIFO EE Cusbitaalka Ceergaabo. Waxa markiiba soo baxey xog odhaneysa in la lunsaddey dhaqalahii dadka bukaan jiifka ah. Waxaa xogtaasi cadeyneysaa in bishii lixaad lagu diley taliyaahii ciidanka kofiyadd casta ceergaabo. Hosptialka ceergaabona looga waayey wax dhiig joojin ah.
- Waxa qodobaka ugu Danbeeya. Yahey Inanta uu Madaxweyne siilaanyo Adeerka u yahey ee loo Yaqano Roda Jama Elmi, ee u magaabey safiirka Sweden iyadoon aan laheyn wax aqoona oo la xidhiidha Xidhidhka Calamiga barateyna Farsamiga ama Dawooyinka. Iney hadeer soo qaadatey Contract Dowladda Sweden ugu Deeqdey Somaliland oo ah LABKA DAWOYINKA LAGU BAADHO.
Kaaso ey rabto iney iyaddu isku magacowddo kana dhigto private laguna cuna qabateeyo ganacsatadda Dawooyinka ka ganacsatadda ee reer Somaliland.
Isku soo wadda duubo waxybaha dadka dalka ku nooli madaxweyne siilaanyo ku xasuusanayaan waa taariikhdda maddow ee ku saleysan. Qoysnimadda intaas oo dhan cidd dafiri kartaa ma jirto.
Waana waxa shacabka somaliland mar walba u leeyahiin waddanka qabyaladii baa soo noqotey ama sii xoogeysatey.
Waliba waxaanu soo bandhigi doona xogaha dhabta iyo documentiyadda waafaqsan hantidda iyo masuq maasuqa la boobey ee dalka ka jira.
Freelance Journalist.
Maxbuub Mohamed
USA, Somalilander
Maxbuub1972@gmail.com