WAJAALE NEWS

Jidka Ceerigaabo Ilaa Burco Isku Xidha iyo Kormeerkii Madaxweyne Siilaanyo.

Burco(wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo xalay u hoyday magaalada Ceel-afweyn ayaa shalay kormeeray jidka isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo oo hawl dhisme ka socoto.

 

Weftiga madaxweynaha ayaa shalay ka ambabaxay Burco, waxaanay cagta saareen waddo laami ah markii ay gaadheen degaanka Ina Af-madoobe oo ah halkii markii hore Madaxweyne Siilaanyo ka dhagax dhigay bilawga jidka Burco iyo Ceerigaabo isku xidha.

safarkan ayaa ahaa mid madaxweynuhu shacbiga somaliland ee sida hagar la’aanta ah uga qaybqaatay iskuna hawlay inay somaliland keligeed isu tashan karto gacmahana is qabsankaraan oo ay hirgelin karaan mashaariico waa weyn oo ay bilaw u noqotay wadada ceerigaabo ee uu madaxweynuhu maanta cagta saaray isagoo dul lugeeyey laamiyada iyo caro kaawaha la dhigay laguna hirgeliyey 150KM oo bar bilaw wanaagsan u ah dhismaha wadada ceerigaabo ee shacbigu u dhegtaagayey inay mar uun maqlaan wadadaas oo hirgashay.

 

Waa kuwan sawiradiina daawo…..

Wariye Abuu Maxfuud

Exit mobile version