WAJAALE NEWS

Deg Deg: Gudoomiyihii Shirkadda Basaska Ee Salaama Iyo Xubno Qoyskiisa Ah Oo Ku Naf-waayay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Wadada U Dhexaysa Magaalooyinka Burco Iyo Sheekh

Burco: (Wajaalenews)-Alle haw naxariiste Waxaa shil gaadhi oo goor dhawayd ka dhacay jidka u dhaxeeya Burco iyo Sheekh ku geeriyooday Saleebaan Cumar Qaalib (Ina Cumar Durbaan) oo aha Guddoomiyihii Sherkada Basaska Ee Salama, oo ay wehelinayeen hooyadi iyo walashi oo iyaguna la geeriyooday.

Ila hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay Shilkan Baabur ee Naxadinta leh,balse waxa mudoonyinkii danbe ay dad badan oo labeenta umadda ahi ku naf-waayayeen Shilalka ka dhacaya Wadoooyinka waaweyn ee iska kala goosha Goboladda iyo degmooyinka Dalka.

xigasho oodwayne

Exit mobile version