WAJAALE NEWS

Xukuumada Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Xadka Ay Dawlada Ethiopia Xidhay.

Wasiirka-arrimaha- yyHargeysa (Wajaale News):- Dalka D Ethiopia ayaa si toos ah u xidhay xadka ay la leeyihiin Somaliland.

Xidhitaanka Xadka ayaa waxa uu saamayn xoog leh ku yeeshay isu socodka dadyooowga Dalalkan.

Hadaba Wasiirka Arrimaha Dibada Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlayay ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in xadka xidhan ay la ogol yihiin Ethiopia

Waxaanu yidhi “Xidhitaanka xuduudka ee Itoobiya waxay ku lug leedahay arrimo xagga ammaanka ah, annaguna Somaliland waannu la oggolnahay oo wixii nabadgelyo-darro geysanaya in aannu ka wada shaqaynno waa mid aannu la oggolnahay, waanay noo sheegeen, waxaanay ka mid tahay cilaaqaadka laba waddan ka dhexeeya ee arrimaha nabad-sugidda, si aanay dad nabadgelyada waxyeelayaa ugu gudbin

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version