WAJAALE NEWS

DAAWO;Al Shabaab oo Soo Bandhigay Sawirrada Maydadka Askartii Burndi ee Leego iyo Saanaddii Millateri ee ay Qabsadeen

MUQDIHSO(Wajaalenews) Ururka al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirro muu jinaya la wareegitaankii ay la wareegeen Xaruntii ay Ciidamada Burundi ku lahaayeen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelada Hoose, halkaas ay askar badan ku dileen.

Sawiraddan ayaa waxa ay ku tusayaan hubkii tirada badnaa ee la gala wareegay ciidamadii Amisom ee ka socday dalka Burundi.

Al Shabaab ayaa waxa ay Degmadda Leego la wareegtay Jimcihii la soo dhaafay, halkaas oo ay ku dileen askar gaaraysa 50, iyadoo Al shabaabna ay sheegtay in Ciidamadii ay dileen ay kor u dhaafayaan ilaa 80 Askari.

Exit mobile version